1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2009
Shir looga hadlayay Dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Hiiraan oo ka dhacay Magaalada London (DAAWO SAWIRRO)


Sabti, December 26, 2009(HOL): Shir uu soo qabanqaabiyay guddiga badbaadada iyo midnimada Beesha Xawaadle ayaa waxaa uu ka dhacay magalada London, ee wadanka ingiriiska.

Shirkaas oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan guddiyada beesha Xawaadle ee kala ah :

1. Gudiga badbaadada midnimada  Beesha Xawaadle

2. Gudiga odayaal dhaqameedka

3. Guddiga G55

4. iyo Guddiga Haweenka

ayaa waxaa looga hadlayey dhibaatada  ka taagan gobolka Hiiraan, iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas, talada gobolkana loogu soo celin lahaa dadka gobolka u dhashay.Waxaa kaloo shirkaas looga hadlay xasuuqa lagu hayo beesha Xawaadle guud ahaan iyo gaar ahaan dadka waxgaradka ah.


Dadka ka qeybgalay shirkan ee ka soo jeeda Beesha Xawaadle  ayaa waxay is tuseen, in ay awood u leeyahiin in ay jawaab cad ka bixiyaan arrimaha kor ku xusan iskana xoreeyaan cawdowga ku soo duulay, ayna isaga baxaan Gobolka Al- Shabaab iyo Xisbil Islam.

Gunaanadkii shirka waxay dhamaan guddiyadu isku raceen qodobada soo socda:-

In Xoogagga ku soo duulay Gobolka laga saarayo, iyadoo loo marayo wadiiqo kasta oo ay lagama maarmaan in gobolka lagu xoreeyo.

In Guddiga badbaadada Midnimada Xawaadle ay hormuud u noqoto xoreyta gobolka, gudiyada kalena ay ku tageeraan shaqadooda.

In beesha Xawaadle meelkasta oo ay joogto ay tageersan yahiin Baaqii nabadoon Xooshow ee ku saabsanaa in ay nabad iyo derisnimo wanaag ku wada noolaadaan Beelaha wada dega Gobolka Hiiraan.



Hiiraan Online News Desk