Khamiis, 24, Dec, 2009 (HOL) Shirka uga socda Degmada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud Culimada Ahlu Sunna Waljemeeca ayaa ergooyinka ka qeyb qaadanaya waxaa ay hadda u muuqdaan kuwo guda galay doodihii ugu cuslaa ee shirka kadib markii la horkeena ka qeyb galyaasha shirka dhismaha Sadax Golle oo aas aas u noqonaya in la helo Maamul balaaran oo ay leeyihiin Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.
Ergooyinka ayaa la horkeena Maamul ka koobnaanaya Sadax Golle oo kala ah Golaha Talada oo sida la sheegay in uu ka koobnaanayo 31-xubnood, Gollaha Marjaca oo ah ka kooban 7 Xunood iyo Gollaha Fulinta oo ka koobnaanaya ilaa iyo 13-xubnood kaa oo sida la sheegay shirku isku raacay, laakiin waxaa ay dood kulul ka timid qaabka loo soo xulanayo shaqsiyaadka ka qeyb-galaya Golahaasi.
Sida uu HOL u sheegay Wariye jooga Madasha shirka waxaa jira warar hoose oo soo baxaya islamarkaana sharuudo adag ku xiray shaqsiyaadka isu soo tagaaya ka mid noqoshada Golayaasha la soo bandhigay, waxaana uu intaa ku daray Wariyuhu in Sharuudahaasi yihiin kuwo u badan dhinaca aqoonta u lee yahay shaqsigaasi marka laga hadlayo Diinta iyo Maadiga intaba.
Ergada ayaa marka ay ka soo baxaan goobta uu shirku ka socda intooda badan waxaa ay bilaabaya in ay koox koox uga shaakeysataan halka wax marayaan iyo sida looga gudbi karo hadiiba ay jiraan cabaqabado ka horiman kara habsami u socda shirka ayuu u sheegay HOL Wariyaha jooga goobta uu shirku ka socdo.
Marka la soo dhameytiro dhimaha Golayaasha la soo badhigay iyo soo xulashada shaqsiyaadka ka mid noqonaya,waxaa la filayaa in shirku u gubo ka hadalka amnigga deegaanadda Culimadu gacanta ku hayaan iyo sidii loo sii balaarin lahaa awooda Ahlu Sunna.
Waxaana uu shirkaasi yahay mid muujinaya hormar Culimadu ka sameynayso dhinaca Siyaasada gudaha, gaar ahaan waxaa la filayaa in shirkaasi ay ka soo baxaan qodobo saldhig u ah xiriirka u dhaxeeya Dowladda iyo Ahlu Sunna oo Saraakiisha Ahlu Sunna sheegeen in uu yahay mid aan xumeyn.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo shirka uga socda Caabud-waaq ka soo saaray qodobo aas aas u noqonaya dhismaha Maamul ballaaran oo ay leeyihiin Culimada Ahlu Sunna Waljameeca.
More News
- Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya oo Khudbad dheer ka jeediyay fadhigii maanta ee Baarlamaanka Somaliland (DAAWO SAWIRADA)
- Dagaal Khasaare geystay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Ururka Xisbul Islaam oo maanta sheegay inay guuldarro ku dhammaadeen wadahadallo u socday iyaga iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
- Bandow habeenkii lagu soo rogay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer
- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xaaladda dalku ay tahay mid sidii hore ka khatar badan
- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo soo bandhigtay ciidamo kasoo goostay kooxaha kasoo horjeeda oo ku biiray Dowladda
- Xukuumadda Eritrea iyo Ururka Xisbul Islaam oo siyaabo kala duwan u cambareeyay cunoqabteyntii Qarammmada Midoobay ay saartay Eritrea
- Kalluumeysatada Gobolkan J/hoose oo ka Cabanaya Dabeylo Xoogan oo hakad Geliyay Howlahoodii Shaqo
- Maamul Goboleedka Puntland oo sameystay Calan, Astaan iyo Hees u gaar ah (DAAWO SAWIRRADA ASTAAMAHA)
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn ku soo rogay Dowladda Eritrea