10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 27, 2008
Qoysas ku dhibaateysan Tuulada Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne oo Deeq la gaarsiiyay

Sabti, September 27, 2008(HOL): Tuulada Hiiraan oo qiyaastii 20-km u jirta Magaalada Beledweyne waxaa bilihii ugu danbeeyay soo food saaray Xaalad Bani'aadanimo tii ugu darneyd kadib markii Qoysaska ku dhaqan Tuuladaasi ay dhaafeen dhamaan Xoolihii ay la haayeen.

Marka aad dhax tagto gudaha tuulada waxaa kuu muuqanaya raadadka Abaarta daran ee halkaa ku dhufatay, waxaana Qoysasku intooda badan ay hoos fadhiyaan Guryo aan la heyn Saqaf kore kadib markii sida ay sheegeen Cowskii Saqafka ahaa Guryahaasi ay u dajiyeen Xoolaha si ay ugu samata bixiyaan.
 
Hadaba  Deeq Lacgeed oo gaareysa $3,520 oo ay soo direen Jaaliyad Soomaaliyeed oo ku dhaqan Dalka Ingiriiska ayaa waxaa gaariisyay Qoysas ku dhibaateysan Tuulada Hiiraan iyo qeybo ka mid ah gudaha Magaalada Beledweyne Ururka Daljirre Hiran Link oo ah urur Samafal ah oo ka shaqeeya u gar gaarida dadka dhibateysan.
 
Lagactan ayaa qeyb ka mid ah waxaa lagu iibiyay Raashin ka kooban Masago, Boorash, iyo waliba Timir, halka qeybta soo hartay lagu bixiyay (kaash) waxaana ka faa'ideystay sida uu sheegay C/raxmaan Faroole oo ah xubin ka tirsan Ururka Daljire Qoysas gaaraya 428 isugu jira Dadka ku dhibaateysan Tuulada Hiiraan iyo gudaha Magaalada Beledweyne.
 
Guddoomiyaha Tuulada Hiiraan Shiikh Abuukar Daa'uud Guure oo goob joog ka ahaa qeybinta Deeqda la soo gaarsiiyay Tuulada ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay tallaabada ay qaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska isagoo intaas ku daray in kaalmadini ku soo beegantay xili si weyn loogu baahnaa.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Deeqda loo qeybiyay Qoysaska ku dhibaateysan Tuulada Hiiraan ayaa la oran karaa ma'aha mid ku filan in ay daboosho baahida halkaas ka jirta, waxaana hubaal ah in dadka ku dhaqan Tuuladaasi yihiin kuwo u baahan gacan intaas ka sii badan.



 
C/ramaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia