4/8/2025
Today from Hiiraan Online: Farmaajo demands probe into death of detained officer Sheego...
Wararka Maanta- Talaado, Nov 11, 2008
Dagaal u dhaxeeyay Xoogagga Al-Shabaab iyo Dhalinyaro Deegaanka ah oo ka dhacay Degmada Ceel-dheer

Talaado, November 11, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in uu xalay iyo saaka Degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dhalinyaro Deegaanka ah.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Xoogagga Al-Shabaab ay mamnuuceen in Degmada Ceel-dheer la soo geliyo maan-dooriyaha qaadka, waa sida uu sheegay Shiikh Cali Dheere oo ah Wakiilka Al-shabaab ee Gobollada Dhexe.

Shiikh Cali Dheere waxaa uu sheegay in ay Dagaal labada dhinac dhexmaray ay labo dagaalyahan kaga dhinteen mid kalena  uu ka dhaawacmay, wuxuuna intaas ku daray in labo jeer oo ay dhalinyaradaas soo weerareen ay iska caabiyeen, kadibna ay ku guuleysteen in ay Degmada ka saaraan.

“Waxay u baxeen dhinaca Xeebta, waana ka saarnay Degmada, mana ka ogolaan doonno in ay ku soo noqdaan oo ay u ololeeyaan in waxyaabo aan wanaagsaneyn lagu isticmaalo Degmada Ceel Dheer”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere oo sheegay in ragga soo weeraray ay ahaayeen kuwo daroogiistayaal ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Ceel-Dheer-na waxay sheegayaan in xaaladda ay saaka degan tahay, Degmadana ay gacanta ku hayaan Xoogagga Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia