Shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Ottawa
By Abdirahman Aynte
BBC, Ottawa – Canada
Jimco, May 23, 2008
Ottawa, Canada (BBC) -
|
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda ku meel gaarka, Cali Jaamac Jangali
|
Shir ballaaran oo looga hadlayey xaaladda dalka Soomaaliya, halkudhig-na looga dhigay caqabadaha iyo fursadaha horyaalla soo nooleynta qaranka Soomaaliya ayaa maalintii Khamiis ka dhacay magaala madaxda dalka
Canada ee
Ottawa.
Madaxdii halkaas ka hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kumeel Gaarka ah, Cali Jaamac Jangali, iyo Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay, Axmedou Walad-Cabdalla, oo isagu khadka taleefonka uga qayb galay.
Dadkii shirkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa James Swan, oo ah ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Africa. Mr. Swan oo hadalkiisu koobnaa ayaa saddex qodob ku soo koobay hadafka uu Mareykanku ka leeyahay Soomaaliya:
Waa marka horee Mareykanku wuxuu dhiirri galinayaa buu yiri hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ka hirgala dalka Soomaaliya. Wuxuu Mr. Swan sheegay in dowladdiisu ay si kal iyo laab ah u taageersan tahay wada hadalka Djibouti ka furmay. Balse wuxuu raaciyey in loo baahan yahay in la takoorayo kooxo uu ku sifeeyey inay xagjir yihiin.
Qodobka labaad ee uu Mareykanku sida weyn u daneynayo ayuu Mr. Swan ku sheegay inuu yahay in taageero bani’aadannimo lala gaaro dadka tabaalaysan, oo tiradoodu ay sii badanayso. Iyo waliba in hay’adaha DKMG ah laga kaabo xagga horumarinta.
|
James Swan, ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika
|
Mr. Swan ayaa qodobka saddexaad ka dhigay in Mareykanku uu ka shaqeynayo sidii loo soo kordhin lahaa ciidamada nabad-ilaalinta ee ka socda Midowga Africa, kuwaas oo uu sheegay in marka ay yimaaddaan ay fududeyn karaan in ciidamada Itoobiya isaga baxaan Soomaaliya.
Mr. Swan ayaan waydiiyey sida hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay loo heli karo, marba haddii kooxaha mucaaradku ay diiddan yihiin inay si toos ah ula xaajoodaan DKMG ah, inta ay ciidammada Itoobiyaanku dalka joogaan.
Wuxuuna ku jawaabay:
“Waxay ila tahay in kuwa doonaya in ciidammada ajnabigu isaga baxaan Soomaaliya inay muhimadda siiyaan hannaanka dibu-heshiisiinta, iyo sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa dalka, iyadoo wada hadal loo dhan yahay loo sii marayo.
Waxay ila tahay kuwa doonaya in marka hore ciidamada Itoobiya la saaro ay wax kala hormarinayaan. Waxaa loo baahan yahay in marka hore la helo hannaan dibu-heshiisiin iyo xaalad nabadgalyo oo wanaajisa ammaanka dalka, una saamaxda DKMG ah inay dalka xasiliso marka hore.”
Mar aan Mr. Swan waydiiyey sida la’isku waafajin karo in la takooro kooxaha ay Mareykanku xagjirka ku sifeeyaan, sida Al-Shabaab, iyo hadalkii ra’iisul wasaare Nur Cadde ee ahaa inuu diyaar u yahay inuu la fariisto kooxdaas, Mr. Swan wuxuu hoosta ka xarriiqay inay Soomaalida khuseyso ciddii wada hadli laheyd iyo ciddii is diidi lahayed.
Laakiin wuxuu intaas daba dhigay inuu Mareykanku caddeeyey in kooxaha qaarkood ay yihiin kuwa sida uu hadalka u dhigay wax-qalloociya, loona baahan yahay in dhinac loo riixo.
|
David Angel, Madax qaybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Canada
|
Waxaa kaloo isna halkaas ka hadlay madaxa qaybta Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Canada, David Angel. Wuxuu isna taageeray shirka
Djibouti. Laakiin wuxuu sheegay in dowladdiisu ay si gaar ah isha ugu hayso Xorriyadda Saxaafadda Soomaalida. Wuxuu magacaabay milkiilihii
Idaacadda HornAfrik,
Cali Sharmarke, oo kal hore lagu dilay Muqdisho.
Cali Sharma’arke wuxuu haystay dhalashada dalka Canada.
Cambaareyn kulul kaddib, Mr. Angel wuxuu sheegay in dowladda Canada ay ka shaqeynayso sidii loola xisaabtami lahaa dadka gaysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Shirkan caalamiga ah waxaa qabanqaabidasiisa iska kaashaday ururro ay leeyihiin qaar kamid ah jaaliyadda Soomaalida ee dalkan Canada.
Sida uu ii sheegay Faarax Max’ud Cusmaan oo agaasime ka ah mid kamid ah ururradii shirka qabanqaabiyey, ujeeddadu waxay ahayd in beesha caalamka, gaar ahaan dowladda Canada, maankeeda iyo muruqeeda loo soo jeediyo arrinta Soomaaliya.
Laakiin waxaa iyana shirka ku bannaan baxay Soomaali kale oo sheegay in irdaha laga xirtay, isla markaana shirkan uu yahay mid lagu buunbuuninayo DKMG.
Fadumo Aawow Max’ed ayaa ku hadashay afka dadkii shirka ku bannaan baxay.
C/raxman Caynte, BBC, OTTAWA.