Reer Afgooye oo aan sanadkan sameysaneynin Caado-Dhaqameedkii Is-tunka
|
Dad Caado Dhaqameedka Is-tunka isugu soo baxay |
Sabti, July 19, 2008(HOL): Dad badan oo ku dhaqan Degmada Afgooye iyo deegaanno badan oo hoos-yimaada ayaan sanadkan sameysaneynin caado-dhaqameedkii is-tunka, kaasi oo ay sanad kasta isugu imaan jireen.
Dadka ku dhaqan Degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxay go’aankaas qaateen kadib markii warqado digniin ah lagu daadiyay Degmada, kuwaasi oo dadka loogu sheegayo in aysan sameyn karin xuska caado dhaqameedkii Is-tunka.
Ka sokow warqadahaas digniinta ah waxaa jiray Bambo gacmeed lagu tuuray guri ku yaala Deegaanka Jambaluul ee Degmada Afgooye, kaasi oo ay ku sugnaayeen dad isu diyaarinayay Caado dhaqameedkaas oo ah mid ay aaminsan yihiin Dad badan oo ku dhaqan Deegaanno hoos-taga Gobolka Shabeelaha Hoose. Bambo gacmeedkaas waxaa uu sababay dhaawac soo gaaray dadkii gurigaas isugu yimid.
Caado Dhaqmeedka Is-tunka ayaa dadka isu yimaada waxay isku garaacaan ulo iyagoo mararka qaarkoodna dhiig iska daadiya sida ay dhangadeyn isugu wadaan, waxayna taasi dad badan u arkaan ciyaar dhaawac wadata.
Isu imaatinka Caado dhaqameedka oo marka laga soo tago in uu yahay dhaqan ay Odayaashii hore sameyn jireen ayaa dhanka kale wuxuu wataa wax ay rumeysan yihiin dadka sameeya oo ah in haddii aan is-tunka la sameynin aysan beeraha si wanaagsan u baxeynin, haweenka aysan dhaleynin ama dhicsayaan ilmaha Uurka ku jira iyo inay imaanayaan cudurro aan horay loo arki jirin.
Ugu dambeyntii waa markii ugu horeysay oo ay dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Deegaannada hoos-yimaada Degmada Afgooye ay cabsi darteed u joojiyaan in ay sameystaan Caado-dhaqameedkii Is-tunka oo ay muddo dheer sanad kasta sameysan jireen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia