Khamiis, 17 January 2008 (HOL)- Guud ahaan Magaalooyinka Somaliland, ayaa maanta waxa ka dhacay isu-soo bax iyo Mudaharaaddo ballaadhan oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada, Dawladda, Axsaabta Qaranka (Mucaarad iyo Muxaafad), Golayaasha Qaranka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan. Kaas oo Caalamka lagaga dalbanayay in la aqoonsado Somaliland.
Mudaharaadkan oo ay Masuuliyiinta kala duwan ee qaybaha aynu kor ku soo sheegnay hadallo kala duwan u jeediyeen ka soo qayb galayaashii, ayaa qasdigiisu ahaa in Beesha Caalamka farriin ahaan loogu jeediyo sidii ay u taageeri lahayd qaddiyadda Somaliland iyo sidoo kale in ay aqoonsato.
Markaynu eegno dhinaca Magaalada Hargeysa, waxa isu soo baxan oo ay dadku markii hore isugu yimaadeen Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ay markii dambe socod ku mareen Jidadka waawayn ee Magaalada, hadal ka jeediyay Masuuliyiin iyo madax ay ka mid yihiin ku-simaha M/weynaha Somaliland, ahna M/weyne xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Guddoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis M. Samaale, X. Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) iyo Masuuliyiin kale.
Ugu horayn ku-simaha M/weynaha Somaliland, ahna M/weyne xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ugu baaqay beesha Caalamka inay aqoonsadaan Somaliland, isla markaana wuxuu ugu baaqay bulshada isku duubni iyo nabadda oo laga shaqeeyo. "Qolada Calanka ka shakisan waxaaan leeyahay, Calanka soo raaca. Hay'adaha Caalamka ee Xuquuqdana waxaan leeyahay dad ku dhaw 5 Milyan ayaa xaq u leh in la aqoonsado" ayuu yiri Madaxweyne xigeenku. Waxaanu halkaa ka mariyay Gabay uu allifay, oo ku nuxurkiisu ahaa dhiirigelin ku wajahan dadka.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa isaguna ka sokow farriinta uu u diray beesha Caalamka, wuxuu ugu baaqay dadweynaha Gobollada Sool iyo Sanaag-bari in la midoobo. "Dadweynaha reer Sool iyo Sanaag-bari waxaan u gudbinayaa farriin ah, walaalayaal dad isku mid ah oo dhib lama soconno ee aynu midowno" ayuu yiri Siilaanyo.
Guddoomiye xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa isna ka hadlay qaddiyadda Somaliland iyo ujeedada Mudaharaadkan.Guddoomiye xigeenka 1aad ee Wakiillada Md. Cabdicasii Maxamed Samaale, ayaa isna halkaa hadal ku saabsan Somaliland iyo isu soo baxyada noocan oo kale ah, halkaa ka jeediyay.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Qoyska Somaliland Marwo Faadumo Suudi, Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee UDUB Maxamed Ismaaciil Bullaale, Maayarka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir. Kuwaas oo dhammaantood aad ugu dheeraaday ujeedooyinka Mudaharaadkan iyo taageerada Somaliland.
Dhinaca kale, siday sheegayaan Wararka naga soo gaadhaya Magaalooyinka waawayn ee kale, waxa iyana maanta ka dhacay Mudaharaaddo noocan oo kale ah. Halkaas oo Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda iyo Asxaabtu fagaarayaasha kala hadleen dadweynihii ka soo qayb galay Mudaharaadyadan.
Mudaharaaddadan ayaa waxay ka dambeeyeen ka dib markii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland amar ku bixiyay in la qabto Mudaharaadyadan. Kaas oo ay Saddexda Xisbi ee Siyaasaddu isku raaceen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.