7/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2008
Wadaad caan ah oo xalay lagu dilay magaalada Baydhabo

Axad, January 13, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa xalay waxaa lagu dilay Wadaad caan ah oo si weyn looga yaqaanay magaaladaas, kaasi oo lagu magacaabi jiray Shiikh C/llaahi Cali Aadan (Baalbaalow).

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay Xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo ay ku toogteen Shiikha iyo nin kale oo la socday oo la sheegay in uu ilaalo u ahaa Hay’adda Bisha Cas ee fadhigeedu yahay magaaladaas.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Shiikha uu ahaa Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu Duruus Diini ah ka aqrin jiray Idaacadda Bay ee ku hadasha afka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo tarayana waxay sheegayaan Shiikha uu ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dilka xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Shiikh C/llaahi Baalbaalow iyo ninka la socday ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Jimcihii aynu ka soo gudubnay gudaha magaaladaas lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugan, waxaana ka sii hor magaalada Baydhabo ka dhacay qaraxyo iyo weerarro lagu qaaday guryo ay degan yihiin saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ayaa weli waxay xarun KMG ah u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka shaqeynayaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay ku sugan yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia