10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 28, 2008
Labo sano oo ka soo wareegtay maalintii ay Ciidamada Itoobiya galeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho


Axad, December 28, 2008(HOL): Maanta oo ay bisha December ku beegan tahay 28 ayaa waxay ku buuxsameysaa labo sanadood oo ay Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

28-kii December 2006 ayay ahayd markii ay Ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib labo maalmood oo ay ku sugnaayeen Degmooyinka Balcad  iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Mudadaas labada sano ah ee ay Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ma jiraan wax ay qabteen, waxayna marti u ahaayeen weerarro uga imaanayay dhinaca xoogag muqaawamo ah oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya, iyagoo marka la weerarana ku jawaabi jiray madaafiic aan loogu talagelin in lagu rido magaalo ay dad shacab ah ku nool yihiin.

Duqeyn ay Ciidamada Itoobiyaanka ka  geysteen marar badan oo la weeraray ayaa waxaa ku naf waayay dad aad u badan oo shacab ah, kuwo waa ay ku dhaawacmeen, kuwo kalena waa ay ku barakaceen, waxayna haatan ku nool yihiin meelo aan u qalmin noloshooda, iyadoo guryahoodiina ay noqdeen aagag dagaal.

Haatan Dowladda Itoobiya waxay sheegeysaa in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya horaanta bisha Janaayo ee soo socota, iyadoo wixii xiligaas ka horeeyana sii xirxirneysa qalabkii mileteri ah ee ay la timid Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu sii dhamaanayo waqtiga jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu khilaaf xooggan u dhaxeeyo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, tiiyoo la hadal hayo in madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu waqtiyada soo socda is-casilayo, taasi oo macnaheedu noqonayo in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Xukuumaddiisa ay si toos ah u dhacayaan kadibka marka uu Madaxweynaha is-casilo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia