9/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 26, 2008
Wararkii u dambeeyay ee Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uga socda Magaalada Burco

Talaado, August 26, 2008(HOL): Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye uga socda Magaalada Burco, isla markaana qasdigiisu yahay kala saaridda Musharaxiinta Xisbiga uga qayb galaysa tartanka Doorashada soo socota ee Somaliland ee Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka, ayaa hakad galay ka dib markii taageerayaasha Musharaxiinta Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Axmex X. Cali Cadami ay soo jeediyeen in qaabka doorashada ee Xisbiga dhexdiisa wax laga badalo, halkaas oo la sheegay inay markii dambe Shirka ka dareereen isla maanta qaar ka mid ah xubnihii Shirka ka qayb galayay.

Taageerayaashan ayaa soo jeediyay in qaabka doorashada ee Xisbiga dhexdiisa laga dhigo mid uu Musharaxu ku guulaysan karayo marka uu helo codadka kala badh Golaha oo cod lagu daray (absolute Majority), hadii ay suurtogel noqon kari waydanaya uu ku guulaysto tiro intaa u dhiganta. Halka ay hadda ka tahay in ay guushu raacdo Musharaxa ku guulaysta cod hal-dheeri ah (Simple Majority).

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uga socda Magaalada Burco oo bilaabmay 23-kii bishan ayaa haatan maraya meel aad u xasaasi ah. Iyada oo aragtiyo kala duwan laga bixinayo saadaasha natiijada ka soo bixi doonta Shirkan.

Musharaxiinta u tartamaya Jagada Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye ayaa ah Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Cabdiraxmaan Saylici, Axmed X. Cali Cadami iyo Prof. Muumin Aare oo la sheegay inuu ka tanaasulay. Waxa jira tuhunno ku xeeran Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed-Siilaanyo oo ah Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga oo aanay cidi kula tartamaynin hadda, kuwaas oo sheegaya inuu taageero ahaan raacsan yahay inuu jagada M/weyne-xigeenka ku soo baxo Cabdiraxmaan Saylici. Hase ahaatee, tuhunnadaas oo uu Guddoomiyuhu ka hadlay ayuu sheegay in inkasta oo uu qof kastaa cid taageeri karo, haddana ay taasi tahay wax aan jirin.
 
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,Somaliland