Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in aysan la ahayn in Baarlamaanka uu ka laaban doono go’aankii uu ku gaaray in aan dib loo soo celin Wasiirradii is-casilay

Isniin, September 15, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo wax laga weydiiyay hadal uu shalay shaaciyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka dhan ahaa go’aan uu Baarlamaanka Soomaaliya gaaray ayaa wuxuu sheegay in uu qabo in go’aankii Baarlamaanka uu ahaa mid sax ah.

Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay in go’aan uu Baarlamaanka ku gaaray in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin karin Wasiirro horay isu casilay uu yahay mid aan Axdiga KMG ah waafaqsaneyn, wuxuuna caddeeyay in go’aanka baarlamaanka uu yahay mid qalalaase ka dhex abuuraya Dowaldda Federaalka Soomaaliya.

Laakin Shiikh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu  sheegay in aysan la ahayn in Baarlamaanka uu ka laaban doono go’aan uu ku gaaray, wuxuuna caddeeyay  in go’aanka Baarlamaanka uu ahaa mid sharciga waafaqsan, isla markaana ku saabsanaa in Wasiirro is-casilay oo sheegay in aaney waxba qaban karin aan Xukuumadda dib loogu soo celin karin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda iyo Golayaasha Dowladdaba uu ka sareeyo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, isagana lagu dhaqmi doono, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aanu qabin in Baarlamaanka uu gaaray go’aan sharci darro ah.

Shiikh Aadan Madoobe mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo in Madaxweynaha uu ku sheegay hadalkiisa in uu la tashaday Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, isla markaana uu sharci ku doodayo ayaa wuxuu sheegay in haddii ay Hay’adaha Dowladda is-qabtaan loo baahnaa  in ay Maxkamadda sare kala saarto, laakin nasiib darro  aysan jirin Maxkamad sare, wuxuuna farta ku fiiqay  in sheekada socota aysan Xeer Ilaaliyaha Guud meel-na uga bannaaneyn.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa go’aanka ka soo baxay Baarlamaankawaxaa uu ku tilmaamay:

In uu go’aankaas ka soo horjeedo Axdiga iyo Dastuurka Dalka
In uu ka soo horjeedo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka
In uu duminayo Xukuumadda Dalka u dhisan
In uu buriyay Heshiiskii ay madaxda Dowladda ku soo gaareen Addis Ababa
In uu yahay mid dhaawacaya maslaxada Dalka, isla markaana abuuraya qalalaase hor leh.
In uu ka hor imaanayo Xoriyadda iyo Xuquuqda Sharciga ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore wuxuu si aqlabiyad leh u ansixiyay in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin karin 10 Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen oo horay isaga casilay xilalkii ay hayeen, waxaana go’aankaas gaaray 175 mudane oo ka mid ahaa 190 Mudane oo ka qeybgalay kulankii go’aankaas lagu gaaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






Isniin, September 15, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadal dhawaan ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kaasi oo ahaa in laga bilaabo 16-ka September oo caawa saqda dhexe ka bilaabaneysa uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Isniin, September 15, 2008(HOL): Qarax xooggan oo saaka lala beegsaday Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Ciidamadaas.

Isniin, September 15, 2008(HOL): Mas’uul u hadlay maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu beeniyay in rag u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP lagu af-duubtay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Somali News

9/15/2008 5:25 PM EST
Maritime specialists say a surge in pirate attacks on ships between Somalia and Yemen is affecting global commerce and they are urging the international community to quickly find a solution to the crisis. As VOA Correspondent Alisha Ryu reports from our East Africa Bureau in Nairobi, what began as a group of Somali fishermen trying

9/15/2008 11:40 AM EST
Three years have now passed since Loyan Ahmed Gilao was gunned down with a friend outside the Phoenix Nightclub in the early morning hours of Aug. 8.

9/15/2008 10:59 AM EST
NAIROBI (IRIN) - More than half of Djibouti's population is food insecure and needs emergency aid due to drought and high food prices, an early warning information service has said.

9/15/2008 10:08 AM EST
BRUSSELS (EU Business) - European foreign ministers on Monday agreed to set up a "coordination unit" to help tackle the growing problem of piracy off the coast of Somalia, with the possibility of an EU naval mission in future.

9/15/2008 9:58 AM EST
BRUSSELS (Reuters) - The United Nations appealed on Monday for international help to protect U.N. food shipments in Somalia's pirate-infested waters, warning of shortages if no country came forward.

9/15/2008 9:56 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - A roadside bomb killed another Ugandan peacekeeper on Monday serving with an African Union force in the Somali capital Mogadishu, a spokesman said.

9/15/2008 9:54 AM EST
NAIROBI, Somalia (CP) — Two Somali employees of the United Nations World Food Program have been released after being kidnapped and held for several hours.

9/15/2008 8:12 AM EST
MOGADISHU (AFP) — An African Union peacekeeper was killed Monday in a roadside bomb explosion in Mogadishu, the second member of the contingent to be killed in the Somali capital in as many days, an AU official told AFP.
Click here