Axad, November 23, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in aanu waxba ka iska bedelin qodobkii ku saabsanaa in ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Shiikh Shariif oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho waxaa uus sheegay in arrimo farsamo aawadood ay Ciidamada Itoobiyaanka ugu bixi waayeen waqtigii loo qabtay ee ahaa in ay 21-kii bishan ka baxaan fariisimo ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxayaan fariisimada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kadibna dalka Soomaaliya.
“Itoobiyaanka dhowr jeer ayay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay dhaqangeliyaan heshiiskii Jibouti, isla markaana ay Ciidamadooda kala baxaan fariisimada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, haatanna waxaaba socda dadaallo caalami ah oo arrintaas lagu xaqiijinayo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shacabka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayuu Shiikh Shariif Shiikh Axmed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku bixi lahaayeen, si gaar ahna waxaa uu hoosta uga xariiqay in la joojiyo dagaallada si aaney Ciidamada Itoobiyaanka marmarsiyo uga dhigan.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo 21kii bishan ay ku beegneyd waqti loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiyaanka uga baxaan fariisimo ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo kala ah Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho ka baxay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia