1/3/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 29, 2008
Col. Cumar Xaanshi Aadan oo maata kula shiray Magaalada Beledweyne Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan.

Axad, Juun 29, 2008

Col. Cumar Xaashi Adan
Beled Weyne  (HOL)-  Col. Cumar Xaanshi Aadan oo goor dhaw soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa kulan saacado qaatay waxaa uu la yeesha Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo markii ugu horeysay ay isa soo hor fariistaan Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga mudo ka badan hal Sano iyo bar.

Col. Cumar Xaashi Aadan oo hadal dheer ka jeeday kulanka uu la qaaday Golaha Odayaasha dhaqanka ayaa si faah faahsan uga hadlay ujeedada socdaalkooda Magaalada Beledweyne, waxaana uu sheegay in hadafkoodu yahay sida uu hadalka u dhigay sidii guud ahaan looga xureyn lahaa Gobalka Cadawga soo duulay oo markaa uu ula jeeday Itoobiya, waxaana uu intaa ku daray in hada uusan qorshahoodu aheyn in ay maamul ka sameeyaan Magaalada lakiin loo baahan yahay in laga wada hadlo sidoo loo sugi lahaa Nabad-galyada.

""Runta marka aynu isku sheego Maamulada Dowladu u soo magacaawdo Gobalka ama xitaa Gobalada kale waxaa la soo mariyaa sida uu hadalka u yiri  Col. Gabre oo ah  Mas'uulka ugu sareeya dalka, hadii uu anfaco waa la magacaabayaa hadii kalana maya, lakiin anaga waxeynu dhisi doonaan dad Ilaah raali ka yahay oo Imaan leh ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Col. Cumar Xaashi Aadan.

Col. Cumar Xaashi ayaa sidoo kale ka  hadlay qaabka loo sugayo Nabad-galyada waxaana uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in la dhisto Ciidamo madani ah oo ilaaliya Nabad-galyada guud si markaa looga hortago sida uu hadalka u dhigay kooxaha caadeystay in ay dadka dilaan, lakiin carabka kuma uusan dhufan kuwa ay kooxahaasi yihiin. Qaabka Ciidamada madaniga ah u shaqeynayaan ayuu ku tilmaamay in ay tahay kaliya in ay ilaaliyaan Nabad-galyada dadka mana jiri doonto Canshuur iyo wax la mid ah in dadka laga qaado ayuu yiri Col. Cumar Xaanshi Aadan oo hadalkii uu ka jeediyay kulanka kadib su'aalo loo soo jeediyay ku saabsan siyaasada Midowga iyo xiriirka u dhaxeeya iyaga iyo dhalinyaro Diimeedka Al-shabaab.

Col. Cumar Xaashi oo su'aalahaas ka jawaabayey ayaa  yiri, " Madoonayo in aan koox gaar ah hada ka hadlo lakiin waxaan idiin sheegayaan ma jiri doonto in cid layska dilo si micno daro ah, adinku hadii aad taqaanaan kooxo wax dilaya la dagaala lakiin ma'aha in aad carabka durbaba ku dhuftaan qolo gaar ah ayuu sheegay."

Kulanka oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Midowga Maxkamadaha ayaa ugu danbeytii laysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shaqeeyo arimaha Nabad-galyada.

Hadalka maanta uu ka jeediyay Cumar Xaanshi Aadan Magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay uu ka jeediyo Degmadii shanaad oo ah sida laga wada war qabo tan kaliya ee gacanta ugu jirtay Maamulka Dowladda Federaalka taa oo maalintii shalay ay la wareegeen Maxkamadaha Islaamiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]