Isniin, April 21, 2008(HOL): Xarunta Dr.Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda aadanaha ayaa waxay warsaxaafadeed ka soo saartay dagaalladii shalay iyo dorraad ka dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxayna sheegtay Xaruntu in ay dagaalladaas ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwo kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.
Madaxa baarista Xadgudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha C/llaahi Calas Jimcaale ayaa sheegay in ay dagaalladaas ahaayeen kuwo ay waxyeellada ugu badan ka soo gaartay dadka rayidka ah, wuxuuna sheegay in ay yar tahay waxyeellada dagaallada ka soo gaarta dhinacyada dagaallamaya.
“Dhinacyada Dagaallamaya ha ogaadeen in xadgudubyada ay geysanayaan maalin ay ahaato sharciga hortiisa lagu xisaabin doono, iyadoo aan loo kala sooceynin Soomaaliya iyo Ajnabi”ayuu yiri C/llaahi Calas Jimcaale oo ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay u turaan dadka rayidka ah ee ay dushooda ku dagaallamayaan.
C/llaahi Calas Jimcaale waxaa uu sheegay in haddii ay dagaallada sii socdaan ay Magaalada Muqdisho noqon doonto meel lama degaan ah oo ay Dadkii deganaa ay uga carareen colaadaha ka jira, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in uu caqliga shaqeeyo oo waxyaabaha la isku hayo laga wada hadlo.
Dhanka kalena, C/llaahi Calas Jimcaale waxaa uu ka hadlay sicir bararka ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay wax aad looga naxo tahay in iyadoo dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay nabadgelyo la’aan ka cabanayeen in hadana loogu sii daro sicir barar iyo nolol xumo, isagoo ganacsatadana ugu baaqay in ay u naxariistaan dadka maatida ah ee ay nolosha ku adkaatay sicir bararka jira dartiis.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia