6/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 14, 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo Meydad iyo Dhaawac waday kuwo kale loogu sii daray

Isniin, April 14, 2008(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaawac iyo meydad u waday dhinaca Degmada Jowhar, si ay uga dhoofiyaan garoonka Diyaaradaha Jowhar ay dhexda u galeen Kooxo hubeysan, kadibna ay u geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiray.
 
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciiidamadan Itoobiyaanka ah oo watay Afar Ural lagu weeraray Deegaan lagu magacaabo Xarar Lugoole oo u dhaxeeya Deegaannada Fiidow  iyo Jimbiley ee Gobolka Hiiraan.
 
Afhayeennada howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay weerarkaas ka dambeeyeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka doonayeen in ay garoonka Jowhar ka dhoofiyaan meydad iyo dhaawacyo ka soo gaaray dagaal shalay ka dhacay Buundada Koba-qori oo u dhaxeysa Deegaannada Halgan iyo Garasyaani ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tegay dhinaca Degmada Jowhar oo la sheegay in ay gurmad ahaan u aadeen Ciidamada lagu weeraray Deegaanka Xarar Lugoole ayaa  iyana waxaa weerar loogu geystay inta u dhaxeysa Deegaannada Killiga Shiinaha iyo Fiidow ee Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, walow aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray Ciidamada halkaas lagu weeraray.

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay ku jaho wareersan yihiin meel ay si toos ah ugu bartilmaameedsadaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee dagaalka kala soo horjeeda, kuwaasi oo ka baxa degmo kasta oo ay Itoobiyaanka soo aadaan, kadibna dib ugu noqda marka ay Itoobiyaanka ka baxaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia