1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2007
Waa Sidee Xaaladda Magaalada Muqdisho kadib dagaalladii shalay ka dhacay?


Sabti,
November 03, 2007(HOL): Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa xalay iyo saaka waxay tahay mid degan kadib dagaallo xooggan oo shalay ka dhacay xaafado ka mid ah Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid.

 

Waxaa dib u bilowday isu socoda Dadka iyo Gaadiidka meelihii ay dagaallada ka dhaceen oo ay ka mid ahaayeen NBC, Black Sea, Baar Ubax, Gubta iyo Towfiiq, inkastoo ay jiraan goobo ganacsi iyo guryo aaney weli dadka ku soo noqon.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah o fariisin ku leh Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay.

 

Meydadka ilaa shan Askari oo Itoobiyaan ah oo seddex ka mid ah la soo dhigay Isgoyska Baar Ubax ayaa la xaqiijiyay, kuwaasi oo lagu soo dilay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Gubta, iyadoo dhinaca kalena ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen Dad Rayid ah oo intii uu dagaalka socday ay ugu galeen guryo ay ku jireen.

 

Dhanka kalena, Meydka labo gabdhood oo da’dooda ay u dhaxeyso 20-30 sano ayaa saaka lagu arkay gudaha Dugsiga Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley, kuwaasi oo dadka deegaankaas degan ay sheegeen in xalay meesha lagu dilay, iyagoo sheegay in aysan aqoonin ciddii dilkooda ka dambeysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia