Socdaalka Nabadda Gobolka Hiiraan oo weli si rasmi ah uga socda Degmooyinka Gobolka

Isniin, May 28, 2007(HOL): Waxaa wali ka socda qeybo ka mid Gobolka Hiiraan Safarkii loogu magac daray (Socdaalka Nabada Gobalka Hiiraan) oo ay hor kacayaan Duubabka dhaqanka Beelaha Gobalka Hiiraan wada degan.
Saacadihii aynu soo dhaafnay ayaa Xubnaha horkacaya Socdaalka Nabadeed waxaa ay kulamo la qaateen Maamullada iyo dadka ku dhaqan Degmooyinka Buula-bute iyo Buq-aqble oo ka wada tirsan Gobalka Hiiraan, kuwaasoo si weyn u soo dhaweeyay Xubaha horkacaya socdaalka.
Dadkii ay la kulmeen Duubabka dhaqanka intii ay ku guda jireen safarkooda ayaa Qodobadii ay kala hadleen waxaa ka mid ahaa sugidda Nabad-gelyada, Qaadista Jidgooyada u taala kooxaha Maleeshiyada ah iyo sidii loo Nabad-galin lahaa dadka ku safra wadada isku xirta Gobollda dhexe ee dalka Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena aan meesha laga saarin arrimaha ku saabsan joojinta colaadaha u dhaxeeya Beelaha ku dhaqan gudaha gobalka iyo kuwa dariska la ah.
Eng. Max'ed Xasan Kulmiye oo madax ka ah Xafiiska Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada tashiga (CRD) ee Magaalada Beledweyne oo qeyb ka ah safarkan ayaa u sheegay HOL in ilaa hadda degmooyinkii ay soo mareen dadka ku dhaqan mar walba ay kala kulmayeen soo dhaweyn ka muuqta sida dadku ugu bislaaday in mar uun la helo Nabad, isagoo intaas ku daray in uu rajeynayo taaba-galinta fariintan ay wadaan Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaanan meesha ka marneyn soo bandhigida suugaan ka tarjumeysa Qiimaha nabaddu leedahay oo Goob walba uu ku soo ban-dhigayo Abwaanka C/dhuux Yuusuf Xasan oo safarka ku weliya Duubabka Dhaqanka.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Xubnaha horkacaya Socdaalka nabadeed in ay gaaraan Degmada Mataan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan iyo qaar kale oo ka mid ah deegaanada ay ku nool yihiin dadka reer Miyiga ah, si markaas fariintu u noqoto mid laga wada siman yahay oo la gaarsiiyo Dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Oline
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia