12/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2007
Odayaasha Beesha Hawiye oo wareejiyay 18 Maxbuus oo laga qabtay Dowladda Federaalka


Isniin,
March 26, 2007(HOL): Odayaasha Beesha Hawiye ayaa maanta wareejiyay 18 Maxbuus oo ka tirsan Ciidamada Dowladda federaalka, kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Waxgarad iyo Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeedo Beelaha Hawiye ayaa maxaabiistan ku wareejiyay eheladooda, iyadoo kuwii eheladooda la waayayna lagu wareejiyay xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka.

 

Odayaasha wareejiyay Maxaabiistan ayaa waxay sheegeen in maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Muqdisho ay guud ahaan ahaayeen 24 maxbuus balse lix maxbuus oo ka mid ahaa horay loo wareejiyay iyagoo dhaawac ah.

 

Qaar ka mid ah Maxaabiistan oo wareysi siiyay Saxaafadda kadib markii ay xoriyaddooda dib u heleen ayaa waxay sheegeen in aysan dooneyn in ay dib dambe ugu dagaalamaan Dowladda Federaalka, waxayna caddeeyeen in intii ay xirnaayeen si wanaagsan loola dhaqmay.

 

Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo sheegta Afhayeennimada Beesha Hawiye oo ka hadlay munaasabaddii lagu wareejinayay Maxaabiistan ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa  mid ahli ah, wuxuuna caddeeyay  in shir ay yeesheen Odayaasha Beesha Hawiye kadib  la isku af-gartay in la sii daayo Maxaabiistan, isagoo dhinaca kalena tacsi u diray dadkii ay ka geeriyoodeen askar kale oo u dagaalamayay dowladda Federaalka, kuwaasi oo meydkooda dab la qabadsiiyay.

 

Dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho dabayaaqadii todobaadkii hore ayaa waxaa lagu qabtay, laguna dilay Ciidamo u dagaalamayay Dowladda Federaalka, kadib markii ay dagaal xooggan iskala hor-yimaadeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia