12/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2007
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay cidda ay Dagaalka kula jiraan

Khamiis, March 22, 2007(HOL): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka dagaal kula jirto koox ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo uu hoggaaminayo Aadan Xaashi Ceyrow.

 

Wasiir ku xigeenka waxaa uu sheegay in kooxaha dagaalka kala soo horjeeda hoggaan looga dhigay Aadan Xaashi Ceyrow kadib markii ay wada tashi yeesheen mas’uuliyiinta maxkamadihii Islaamka iyo Ururka Al-qaacidda waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka gacan bir ah u soo qaban doonto kooxaha ay is-hayaan, wuxuuna dadka Muqdisho ugu baaqay in ay ka fogaadaan meelaha ay kooxahaas ku sugan yihiin, “Dowladda wuxuu qorshaheedu ahaa in ay muddo 30 cisho ah ay ku soo af-jarto howlgalka ay ku sugeyso nabadgelyada Muqdisho, balse hadda ka yar ayaan rabnaa in aan ku soo af-jarno, waayo kooxo nabadda diidan ayaa dagaal ku soo qaaday Dowladda Federaalka”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka.

 

Dadka wax ku noqda howlgallada ay Muqdisho ka wadaan ayuu sheegay Salaad Cali Jeelle in ay Dowladda si gaar ah ula socon doonto, isla markaana ay wax u qaban doonto, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay Dowladda la shaqeeyaan oo ay ku garab-galaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd kooxaha ka soo horjeeda.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga waxaa uu ka hadlay warar ka soo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Hawiye oo sheegayay in dagaalka Muqdisho ka socda uu u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Beesha Hawiye, wuxuuna carrabka ku dhuftay in warkaasi uu yahay mid la doonayo in lagu sii kala dilo sida uu u yiri Beesha Hawiye, isagoo caddeeyay in haddii warkas uu ka soo baxay Odayaal Hawiye ah ay wax ka dhihi doonaan Odayaal kale oo isla Beesha ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka uu sii daayay Salaad Cali Jeelle ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii labaad uu Magaalada Muqdisho ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo kooxo kacdoonno wada oo Dowladda Federaalka ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia