5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2007
Xildhibaan Barre Hiiraale oo Baardheere ku dhaawacmay kadib markii Miino Wadada loo geliyay

Arbaco, June 27, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) uu dhaawac ka soo gaaray Miino jidka loo geliyay.

 

Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaanka ay Miinada kula qaraxday inta u dhaxeysa Magaalada Baardheere iyo Deegaan Muuri lagu magacaabo oo uu Xildhibaanka degan yahay, waxayna wararku intaas ku darayaan in ay qaraxaas ku dhaawacmeen Dad kale oo ay hal gaari wada saarnaayeen Xildhibaanka.

 

Dad ku dhow dhow Xildhibaan Barre Hiiraale ka ayaa waxay sheegayaan in uu dhaawaciisa fudud yahay, balse ay jiraan dad dhaawacyo culus qaba oo uu ku jiro Darawalkii Xildhibaanka.

 

Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa marka uu qaraxan qabsanayay waxaa uu ka soo laabtay shir ka dhacay Xarunta Shiirkole ee magaalada Baardheere, kaasi oo ay Odayaasha Deegaankaas kaga wada hadlayeen xiisadda colaadeed ee ka soo cusboonaatay Magaalada Kismaayo.

 

Lama yaqaano cid Miinada Wadada ugu aastay Xildhibaan Barre Hiiraale, balse waxaa lala xiriiriyay Qaraxaas qaraxyo horay uga dhacay magaalada Baardheere, kuwaasi oo qaarkood lala beegsaday Shineemooyin Aflaanta lagu daawado.

 

Qaraxaas kadib ayaa waxaa qasantay xaaladda Magaalada Baardheere, waxaana Magaalada ka soo buuxsamay maleeshiyooyin iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo dadka magaalada ku ganacsada ku kalifay in ay albaabada u laabaan goobahooda ganacsiga sabab la xiriirta iyagoo ka baqaya in ay shaqaaqooyin ka dhacaan Magaalada.

 

Col. Barre Aadan Shire oo ahaa Guddoomiyihii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka ka hor Maxkamadihii Islaamka ayaa waxaa dhawaan laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka, isagoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, walow uu Col. Barre sheegay in uu go’aansaday in uusan xilkaas ku shaqeynin kadib markii uu u bogi waayay qaab dhaqanka Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia