12/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2007
CALI MAHDI MAXAMAED: “Caasimadda Soomaaliya, waa la isku laayay, dunuub tii ugu xumeyd ayaa lagu galay, Umaddii Soomaaliyeed ee ku wada nooleyd ayaa maalin cad ka carartay, waxaa ku soo haray Hawiye…”

Talaado, July 10, 2007(HOL):Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlayay gunaanadka Shir ay Beelaha Hawiye ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Caasimadda Dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dunuub la galo kuwii ugu fool xumaa, isagoo intaasna ku daray in ay dadkii deganaa isaga carareen marka laga reebo Beelaha Hawiye.

 

Hadalka Cali Mahdi

Halkan ka dhegeyso

 

“Caasimadda Soomaaliya, waa la isku laayay, dunuub tii ugu xumeyd ayaa lagu galay, Umaddii Soomaaliyeed ee ku wada nooleyd ayaa maalin cad ka carartay, waxaa ku soo haray Hawiye iyo dad yar oo karti muujiyay” ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in haatan wixii ka dambeeya loo baahan yahay in Hawiye uu baadi-doono Dadkii uga cararay magaalada Muqdisho.

 

“Waa in aad muujisaan in aad qalad gasheen, waa in aad muujisaan in aad ka qoomameyneysaan wixii dhacay, waa in aad muujisaan in aad diyaar u tihiin in aad Umadda Soomaaliyeed ku soo dhaweysaan Caasimadda Soomaaliya oo aad 100km uga hortagtaan marka ay Xamar iimaanayaan, waxaa la idinka rabaa marka ay Soomaali Caasimadda isugu timaado in aan la dhihin shirweynaha Qaran ayay marti u yihiin, halkaas ayayna ku baxeysaa, kuna baa’eysaa cuqdadii Umadda Soomaaliyeed kala gashay”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo ugu baaqay Beelaha Hawiye in ay ka qoomameeyaan qaladaadkii ay galeen, kana towbad keenaan.

 

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in magaca Hawiye marka la soo hadal qaado isla markiiba la xuusanayo dad wax burburiya oo aan wax dhiseynin, balse haatan wixii ka dambeeya Hawiye looga fadhiyo in uu noqdo mid wax dhisa.

 

“Hawiyow waxaad ogaatiin, waxaa tihin Umad Soomaaliyeed, xuquuqda ka maqan Umadda Soomaaliyeed oo kale ayaana idinka maqan, hayeeshee xuquuqdaas kuma imaaneyso qori caaraddiis, waxayna ku imaan kartaa sida Xaqa ah ee Illaahey Umaddiisa u jideeyay”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

Wuxuu sheegay Cali Mahdi Maxamed in ay Soomaali hal Qoys tahay, “labo qoys oo Soomaali la yiraahdo ma jirto waxyaabaha la leeyahay waa Hawiye, waa Daarood, waa Digil waa Mirifle, waa Dir, waa saas waxba kama jiraan, Odaygi Soomaaliyeed hal ayuu ahaa, hal Soomaali ayaana jirta, haddii aan baadi doonno wax aan jirin Qaran Soomaaliyeed ma imaanayo”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

“ Dowladnimo iyo Midnimo lagu gaari maayo nin miskiin ah oo Ilmahiisa u shaqo tegay in inta laga daba tago xabad lagu dhufto, lagu gaari maayo in nin Masjid ka soo baxay oo kobahiisa gashanayo oo Bastoolad  madaxa looga dhufto, lagu gaari maayo in inta Baabuur Miino laga soo buuxiyo dad masaakiin ah lagu qarxiyo ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo sheegay in Wada-jir lagu gaari karo Dowladnimada.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia