1/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2007
Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho oo xalay madaafiic lagu garaacay


Jimco, February 02, 2007(HOL): Xaafado dhowr ah oo magaalada Muqdisho ku yaala ayaa habeenkii xalay ahaa lagu garaacay Madaafiic Hoobiyayaal u badnaa, waxaana lagu soo waramayaa in ay xaafadaha qarkood dad ku dhinteen, dad kalena ku dhaawacmeen.

 

Dugsigii Hoose/Dhexe ee Taleex oo ay haatan degan yihiin dad soo barakacay ayaa madfac ku dhacay waxaa uu sababay dhimashada afar ruux, halka ay 11 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena Xaafadda Al-Baraka ee magaalada Muqdisho ayaa iyadana waxaa ku dhintay labo ruux kadib markii uu madfac ku dhacay.

 

Goobaha kale ee madaafiicda lagu garaacay ayaa waxaa ka mid ah Dekedda weyn ee Muqdisho, Xaruntii Turunbo-taariyada iyo Buulo Vekio oo aan dekedda u dheereyn, halkaas wax khasaare ah lagama soo sheegin, sidoo kalena waxay madaafiic ku dhaceen agagaarka KM4, gaar ahaan Aargada iyo Xaruntii Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha.

 

Madaafiicdan xalay lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn cid soo riday iyo meel laga soo riday toona, waxayna dadka qaarkiis sheegayaan in ay madaafiicdan isugu jireen kuwo ay tuurayeen kooxo maleeshiyooyin ah iyo kuwo ay iyana ku jawaabayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho kula sugan.

 

Muqdisho xaalkeeda ammaan ma wanaagsana beryahan, waxaana ku soo badanaya dilalka iyo dhaca iyadoo ay sii dheer yihiin weerarro ay kooxo maleeshiyooyin ah ku qaadayaan Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaareyso dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Dadka Muqdisho waxay dhabanka iyo gacmaha isugu hayaan waxa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo sida aaney Dowladda Federaalka waxba uga qabaneynin falalka nabadgelyo darrada ah ee sii baahaya, kuwaasi oo haddii ay sii socdaan keeni kara nabadgelyo darro faraha ka baxday oo ay xitaa Dowladda difaac ka gasho, halkii ay wax ka qaban lahayd.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia