7/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 19, 2007
Aqoon isweydaarsi ku wajahan Soomaalida Qurbaha ku nool oo lagu qabtay Magaaladda Stockholm ee Dalka Sweden

Isniin, February 19, 2007(HOL):  Waxaa maalintii Sabdiga ahayd lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, aqoon  isweydaarsi ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga  Somaaliyeed (CRD-Somalia), kana qayb-qaateen Hay’adda CARE Somalia/South Sudan iyo qaar ka mid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Sweden.

 

Barnaamijkan oo looga doodayay  qaabka dadka qurbaha ku nool ay uga qayb-qaadan lahaayeeen hurumarinta iyo ka qayb-qaadasha howlaha nabadeed ee dlaka ka jira, ayaa waxaa warbixin dheer ka soo jeediyay Jabriil Ibrahim Abdulle, Madaxa Xarunta Cilmi-Baarista iyo Wadatashiga (CRD-Somalia) Jabriil waxaa si dheer uga hadlay, daruufaha Soomaalida dibadda ku haysata, Dhibtaada Dalka gudihiisa ka jirta iyo fursadaha ka jira dalka gudihisa una furan dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Jabril waxaa uu ku nuux-nuux-saday sida ay lama huraan u tahay in “Somalia Diaspora”  ay noqdaan kuwo isku duuban.  Dowlada Sweden waxaa ay ka mid tahay Dowladaha sida fir-fircoon ugu dhex jira arimaha Soomaaliya waana lama huraan in ay heleen Jaaliyad la shqeeysa isla markaana talo midaysan ka siisa da’ddalada ay doonayaa in ay ku caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay, Dr Yacquub oo ah nin aqoonyahan ah mudo dheerna ku noolaa dalka Sweden, Dr Yacquub waxaa uu soo bandhigay warbixin dheer oo ku saleesan cilmi-baaris uu  ku sameeyay dhibka haysta umadda Somaliyeed ee qurbaha ku nool, gaar ahaan kuwa ku nool dalka Sweden. Warbixintu waxaa ay si toos u taabanaysay arimaha u baahan in culays la saaro  kuwaasoo sahli kara in umadda Somaaliyeed  ay ka qab-qaataan hurumarinta dadka Sweden ayagana ay uga faa’iidaysn lahaa fursadaha ka jira oo ay u fidisay dowlada Sweden.

 

Kulan waxaa kaloo ka hadlay, Mohmed Bashir, oo ah Sarkaal  ka tirsan Hay’adda CARE Somalia/ South Sudan, oo ka hadlay muhiimada ay umadda Somaliyeed u leedahahay in Somali Diaspora ay midoobaan.  Mohmed Bashir waxaa uu sheegay in ay adagtay in Soomaaliya dib u soo noqoto hadii aan la helin Somali  Diaspora oo isku duuban. Aqoonyahanadii iyo wax garadkii ka soo qayb galay waxaa ay ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ayaaheed,

 

Sidii la isugu xiri lahaa Soomaalida ku kala qob-qoban wadanka dibadiisa

Sidii  kor loogu qaadi lahaa  magaca Soomaaliya , gaar ahaan dalalka dadka somaliyeed ku nool yihiin Sidii loo abuuri lahaa dad  u dooda kana tala bixiya  danaha Soomaalida  

Qaabkii iyo sifii  loo caawin lahaa dowlada Sweden oo iyada mas’uuliyad dheeraad ah  iska saartay sidii ay u kaalmeyn lahayd  shacabka Somaliyeed.

Abuuritaan isku xir ururadda Bulshada Rayidka ah ee dalka ka jira iyo Somali Diaspora.

 

Afkaartii halkaa lagu soo gudbiyay waxaa ururin-doono Xarunta Cilmi Baarista iyo Watashaiga Somaliyeed (CRD-Somalia) oo dibna ugu soo celin doonta dadka ka soo qayb-galay, sidoo warbixinta waxaa lala wadaagi doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha. Talooyinka  kulankaan ka oo baxay iyo kuwo kale oo laga soo ururin doono  Soomaalida  ku nool dalal badan  oo qurbaha ah, waxaa ay ka mid noqondoono  talooyin wax loogu qabanayo Soomaalida qurbaha ku nool iyo Shacabka Soomaaliyeed oo u omaan  kaalmada Soomaalida dibada dalkiisa ku nool.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia