10/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2007
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in aaney Ciidamada Burundi waxba ka bedeli doonin Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye-Maxamed Xasan Xaad
Talaado, December 25, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in aaney Ciidamada Burundi ee lagu soo daad-gureynayo Soomaaliya waxba ka bedeli doonin amni darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolahaas Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in sababta aysan Ciidamada Burundi waxba uga qaban karin amni darrada ka jirta Muqdisho ay tahay iyadoo ay horay waxba uga qaban waayeen Ciidamada Uganda oo sida uu yiri ka awood roon kuwa Burundi, wuxuuna intaas ku sii daray in ay jirto sabab kale oo ah in aaney Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho jooga aysan ogoleyn in cid aan iyaga ahayn ay sugto ammaanka Muqdisho.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in aanu hagaagi doonin ammaanka magaalada Muqdisho tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan Soomaaliya, “Ciidamada Itoobiya haddii ay baxaan xalka mushkiladda ka taagan magaalada Muqdisho waa la helayaa, dadka Soomaaliyeedna iyaga ayaa xal la imaan kara”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku sii daray in ay Ciidamada Itoobiya shalay u dabaal-degeen markii ay soo galeen Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay taasi muujineyso sawir ah sida ay Itoobiyaanku ugu faraxsan yihiin soo gelitaanka Soomaaliya iyo weliba in ay sii joogaan Ciidamadooda.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Burundi fariisimo looga sameyn doono qeybo ka tirsan Suuqa Bakaaraha, kadibna ay sugi doonaan Ammaanka Suuqaas oo muddooyinkan ahaa mid aan hagaagsaneyn.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan waxaa Burundi ka jooga Magaalada Muqdisho ciidamo gaaraya 192 Askari, kuwaasi oo labo maalmood kala yimid, waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda Muqdisho soo gaaraan Ciidamo kale oo Burundi ka socda, waa sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Muqdisho Major Gen. Levi Karuhanga.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia