12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2007
Xuseen Caydiid oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi ku eedeeyay in ay waajibkooda gudan waayeen

Arbaco, August 01, 2007(HOL): Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ah Ra’iisal Wasaare ku xigeennada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hayeeshee ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi in ay waajibkooda gudan waayeen.

 

Xuseen Caydiid oo la hadlay Wargeyska Al-Quds Al-Arabi waxaa uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ballaarsaday awoodda uu sharciga u ogol yahay, isagoo ku eedeeyay in uu Dalka Soomaaliya soo geliyay Ciidamo Itoobiyaan ah, sidoo kalena uu shirkado laga leeyahay Dalka China uu u ogolaaday in ay shidaal ka baraan Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uusan madaxweynaha arrimahaas oo dhan xaq u lahayn.

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka gaabiyeen in ay mideeyaan dhinacyada hubeysan ee Soomaaliya ku sugan, wuxuuna sheegay in ay muujineyso in ay waajibkooda gudan waayeen.

 

Xuseen Caydiid oo haatan fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea balse marka uu hadalka jeedinayay ku sugnaa magaalada London ee dalka Britain ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in aysan shirkaasi waxba ka soo baxeynin inta lagu jiro xaaladdan oo kale oo dembiyo xasuuq ahna la geystay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Xuseen Caydiid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan sidii Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho jooga loogu bedeli lahaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika, kuwaasi oo aysan ku jirin ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika.

 

Xuseen Maxamed Caydiid waxaa uu sheegay in aan dhibaatada Soomaaliya lagu xalin karin awood miletriga, wuxuuna caddeeyay in joogitaanka Dalka Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya ay uga sii dareyso dhibaatada Soomaaliya ka jirta.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuseen Maxamed Caydiid oo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo qabtay xilalka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa wuxuu ku biiray Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee horay uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba Maxkamadihii Islaamka, isagoo halkaas tegay kadib markii sida uu yiri ay madaxda sare ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xad-gudbeen Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, isla markaana Dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgaleen Ciidmo Itoobiyaan ah xasuuq loogu geystay dad rayid u badnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia