Ciidamada Uganda ee ku sugan Isgoyska KM4 oo waxyaabo qarxa lagu weeraray

Isniin, October 08, 2007(HOL): Ciidamada Uganda ee ku sugan Igsoyska KM4 ayaa lagu qaaday weerar loo adeegsaday waxyaabo qarxa, waxaana fariisinka ay Ciidamada Uganda ku leeyihiin Isgoyskaas laga maqlay labo qarax oo aad u xoogganaa.

 

Labada Qarax ee lala beegsaday Ciidamada Uganda ayaa waxay ahaayeen Bambo gacmeedyo, inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo Ciidamadaas ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday.

 

Afhayeenka Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu qaaday Ciidamadooda oo daandaansi ahaa, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin wax khasaaare ah oo soo gaaray.

 

Weerarka lagu qaaday Ciidamada Uganda ee ku sugan Igsoyska KM4 ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saraakiil u hadlay Ciidamadaas ay dhawaan sheegeen in aysan wax lug ah ku lahayn Howlgallo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay sameynayaan Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo tiradooda ay ka badan tahay 1,500 oo askari ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, waxayna ilaalo ka hayaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda weyn ee Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4, iyagoo sidoo kalena gargaar bani’aadannimo u fidiya Dadka ay dhaawacyada soo gaaraan iyo kuwa sida caadiga ah u xanuunsanaya.

 

Ugu dambeyntiina, Saaka ayaa Isgoyska KM4 waxaa lagu arkayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo baarayay Gaadiidka Wadadaas istcimaala ee isugu jira BL-ka iyo kuwa yar yar.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia