10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2007
Hay’adda CRD oo deegaanka Moqokori ku soo af-jareysa colaad daba dheeraatay oo u dhaxeysa Beelo ku dhaqan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Talaado, November 06, 2007(HOL): Waxaan ka socda deegaanka Moqokori qaban-qaabo xoogan oo loogu diyaar-garoobayo shirwayne Nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelo kala dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo colaad ay dhexmartay.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socay deeganada Moqokori iyo Adan-yabaal wadatashiyo, kulamo gooni gooni ah oo looga tashano qodobadda looga hadlayo shir-nabadeedka. Waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacday deegaanka Moqokori shir baalaaran oo looga arinsanayay sidii loo sii adkeeyn lahaa nabbadda dadka walaalaha ah ee ku nool deegaankaas.

Waxaan kulan nabedeedkan uu ka mid yahay kulan nabadeedyo ka socday dhaawaalahan danbe deegaano ka tirsan gobolladda dhexe, waxaana horay loogu guuleystay in  heshiisiiyo qabaa’illo  ku dhaqan Deegaanno ka tirsan Mudug iyo Galgaduud, kuwaasi oo ay ugu dambeeyeen kuwo lagu soo gebagebeeyay degaanadda Ceelbuur iyo Maxaas, iyadoo kulankan la qorsheynayo in Moqokori lagu qabtana uu soo  afjarayo colaad daba dheeraatay oo ka jirta xadka u dhaxeeya goboladda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. 

Kulamadaan waxaa hogaanka u haya labo Duub oo si weyn looga qadariyo Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, iyadoo la rajeynayo in ay ka soo qeybgalaan ergooyin ka badan 500 oo qof oo ka kala socda labada deegaan. Sidoo kale waxaa goob joog ka ah xubno ka socda Jaaliyadaha labada Beelood ee ku dhaqan dalka dibaddiisa. 

Kadib markii  lagu guuleystay in la soo celiyo nabaddii gobollada Dhexe waxaa suurtagashay in ay Hay’ado caalami ah oo gobolka ka howlgeli jiray ay dib ugu laabtaan, isla markaana dib loo furo Isbitaallo iyo Goobo Waxbarasho oo colaaddii dhacday ku xirmay, iyadoo ay xusid mudan tahay in nabadgelyada Deegaannadaas ka jirta ay saamaxday in kaalmooyin la gaarsiiyo Dad ka barakacay magaalada Muqdisho oo ku nool deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe.

Howshan nabadeynta ah oo ay waddo Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga CRD oo ka soo bilaabatay meel hoose ayaa la rajeynayaa in lagu baahiyo dhamaan deegaanada ay colaadaha ka jiraan ee Dalka Soomaaliya..

Madaxa Hay'adda CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo u waramayay HOL ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in kulanka ay Khamiista isugu imaanayaan beelaha kala dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu noqdo mid lagu soo af-jaro colaaddii mudada dheer u dhaxeysay labada beelood, wuxuuna caddeeyay in Odayaasha labada Beelood ay u muujiyeen sida ay u doonayaan in laga gudbo colaaddaas. 

Si kastaba arrintu ha haatee, Hay’adda CRD waxay horay ugu guuleysatay in ay soo af-jarto colaad degaanno ka tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ku dhexmartay beelo walaalo ah , kuwaasi oo colaad dhexmartay isaga dilay Dad ka badan 400 oo ruux, waxaa kale oo ay soo af-jartay colaad labo beelood ku dhexmartay Deegaanka Beer Xaano ee Gobolka Jubbada Hoose, sidoo kalena Beelo ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayay horay u soo jartay, iyadoo haatanna ku howlan soo af-jaridda colaad labo beelood ugu dhaxeysa xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia