8/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2007
Ururka Samafalka Bani’aadam oo Deeq Raashin ah u qeybiyay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho


Khamiis, May 17, 2007(HOL): Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam ayaa Deeq raashin ah waxaa uu guddoonsiiyay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku sugan Tuulooyin hoos yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Tuulada ay Dadkani u barakaceen ayaa waxaa ka mid ah Caliyaale, Garas Bintow iyo Hareeri Caadle, waxaana loo qeybiyay dadkaasi oo dhan 500 oo Qoys Raashin noocyo kala duwan isugu jira. 

 

Deeqdan ayuu Ururka Samafalka Bani’aadam ku wareejiyay Odayaasha iyo Maamulka Degmada Balcad, si ay dadka ugu qeybiyaan, bacdamaa ay iyagu yaqaanaan dadka tabaaleysan ee u barakacay Tuulooyinka hoos taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Odayaasha iyo Maamulka Degmada Balcad ayaa markaas kadib waxay mahadcelin u jeediyeen Ururka Samafalka Bani’aadam iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan, taasi oo iyada soo dhiibtay Deeqda loo qeybiyay Dadkani tabaaleysan.

 

Maxamed Cali Waranle oo wakiil ka ah Ururka Samafalka Bani’aadam ayaa wuxuu ka waramay sida ay Deeqdan ku soo gaartay, wuxuuna caddeeyay in Urur la yiraahdo HCI oo wakiil ka ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan iyo Ururka Bani’aadam ay isku af-garteen in la kaalmeeyo dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku sugan Gobollada dalka Soomaaliya, sidaasina ay ku bilaabeen howshooda gargaar qeybinta ah.

 

Maxamed Cali Waranle waxaa kale oo uu sheegay in ay qorshaha ugu jirto in ay kaalmooyin kale gaarsiiyaan Dad kale oo ka barakacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay la soo deristay xaalad nololeed oo aad u daran.

 

Ururka Samafalka Bani’aadam ayaa horay waxaa uu Deeq Dawo ah u gaarsiiyay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, kaasi oo ay ku sugan yihiin Bukaano badan oo uu soo ritay xanuunka Shuban biyoodka, waxaana deeqdaas lagu wareejiyay Agaasimaha Isbitaalkaas Dr. C/llaahi Xaashi Kediye oo si weyn ugu mahadceliyay Ururkan iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan oo uu sheegay in ay ka damqadeen dhibaatada dadkooda heysata.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia