Tv-ga Soomaaliga ah ee Universal oo u dabaaldegay sanadguuradiisii 2-aad ee ka soo wareegatay markii la furay Xaruntiisa Muqdisho
Sabti, December 15, 2007(HOL): Xaflad aad u balaaran oo ay ka soo qeybgaleen Mas’uulyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Ururrada bulshada, Warbaahinta, iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho.
Xafladan ayaa ujeedadeeda aheyd Xuska Sanadguurada markii la furay Xafiiska Universal ee Muqdisho, iyadoo maanta goobta xaflada ka dhaceysay lagu soo bandhigay waxqabadkii mudada labada sano ah, taas oo si muuqaal ah loo daawaday, waxaana inta badan la dareemayey in TV-ga Universal uu xooga saaray u gargaarida dadka liita, gaar ahaan Cuuryaamiinta, iyo Masiibooyinku ay ku dhaceen iyo kuwo kale.
Munaasaban ayaa waxaa warbixin dheer ka jeedeeyey Agaasimaha Unversal Xafiiskeeda Muqdisho Ibraahim Maxamed Xuseen (Jeekeey) waxa uuna ka waramay Universal Tv mudadii uu jiray iyo sida lama filaanka ah ee dunida ugu shaacay, waxa uuna muujiyey hambalyo uu u diray dhamaan Madaxda, iyo shaqaalaha Universal meel kasta oo ay joogaan, waxa uuna sidoo kale u hambleeyey dhamaan daawadayaasha ku nool Caalmaka Daafihiisa ee sida weyn u daawada Tv-g.
Mr Ibraahim Jeekeey waxa uu sheegay in ay mar walba soo dhaweynayaan talooyinka wanaagsan ee ka imaanaya dadka waxgaradka ah iyo kuwo aqoonta leh ee ku aadan habka shaqo ee Tv-ga iyo codsiyada ku wajahan barnaamijyada mustaqbalka la doonayo in lagu soo kordhiyo, waxa uuna dhinaca kale ka shanqariyey in qorshaha uu ku jiro sanadkan in Universal Tv lagu baahiyo Waqooyiga Ameerika iyo Canada.
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Agaasimaha idaacada Somaliweyn Md. C/raxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi) Xildhibaan Caamir jakeeti, Gudoomiyaha Inxa C/naasir Axmed Cismaan, Agaaimaha Cogwo Sahra Dheereey, Agaasimaha Fanka iyo dhaqanka Yuusuf Maxamed Muumin iyo mas’uuliyiin kale oo aad u fara badan, waxaana dhamaantood ay hambalyo u direen Madaxda iyo howlwadeenada TV-ga Universal.
Xafladii maanta ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayad iyo heeso ka tarjumaeyy waxqabadkii Tv-ga Universal, kuwaas oo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo Jilayaal caan ka ah dalka Somalia .
Tv-ga Universal oo haatan ah mid si weyn Umada somaliyeed ay u daawato ayaa waxa uu xaruntiisa ugu weyn ku taalaa magaalada London ee cariga Ingariiska, waxa uuna mudada gaaban uu jiray uu hantay daawadayaal aad u fara badan kuwaas oo had iyo jeer kala socdo dhacdooyinka dalka, iyo barnaamijyo kale oo muhiim ah, waxaana hadii aan nahay bahda Somaliweyn aan leenahay hamalyo Universal TV.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia