10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2006
Dhinacyada Wadada hadallada uga socdaan dalka Suudaan ee Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo rajo is-afgarasho muujinaya

Isniin, September 04, 2006(HOL): Waxaa maalintii seddexaad ku kulansan magaalada Khartoum ee dalka Suudaan labo wafdi oo kala metelaya dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Ismaalka oo isku haya aayo ka talinta dalka Soomaaliya.

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ah Hoggaamiyaha Wafdiga Maxkamadaha iyo Cawad Axmed Xasharo oo ka mid ah Wafdiga Dowladda Federaalka ayaa labaduna waxay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in miro lagu farxo ay ka soo baxaan shirka ay Khartoum u fadhiyaan, inkastoo ay ka gaabsadeen waxyaabaha ay rasmi ahaan ka wada hadlayaan.

Labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa shirka hareeyay is-mari waa ka dhashay ajendayaasha shirka oo ay ku jireen qodobo ku saabsan arrimaha amniga iyo Siyaasadda. Maxkamadaha waxay qabaan in arrinta amniga la soo hormariyo, si dhaqsi la isugu af-garto in ciidamada Itoobiyaanka ah dalka laga saaro, in aan ciidamo kale oo IGAD ka socda la keenin iyo in aan la soo hubeynin Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadaha Muqdisho ka ceyriyeen, halka Dowladda Federaalkana ay qabto in arrimaha siyaasadda marka hore laga hadlo, iyadoo haddii ay taasi dhacdo oo la heshiiyana la isla meel dhigi karo qodobada kale ee ku saabsan amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Shirka oo aysan xaadir ku ahayn mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa haddiiba ay qodobo ka soo baxaan waxay fulintooda u baahan tahay in ay marka hore qodobada raali ka yihiin xubnaha sare ee dowladda iyo Maxkamadaha, tiiyoo ay iska caddahay in loo baahan doono shirar seddexaad iyo afaraad oo lagu soo af-jarayo is-ogol-diidanka u dhaxeeya labada dhinac.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia