Aqristeyaasha Somaaliyeed waxaa loogu bishaareynayaa meel kasta oo ay joogaan in ay soo baxeen AFAR BUUG (Four Books) oo ka hadlaya taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida. Afarta buugba waxaa qoray Cabdulqaadir Aroma waxayna kala yihiin:
Buugga 1aad: Sababihii Burburka Somaaliya …. Buuggan waxaa lagu soo bandhigay maamulladii dalka soo maray laga soo bilaabo 07/05/1956 oo ku beegan maalinlintii Cabdullaahi Ciise loo dhaariyey Ra'iisul Wasaaraha ilaa 26/01/1991 oo ku beegan maalintii Maxamed Siyaad Barre xukunka laga tuuray. Mudadaas 35ta sanadood ah raggii qabtay xilalka kala ah: {Wasiir, Xildhibaan, Gole dhexe, Jeneraal, Barasaab Gobol, Safiir iyo Qunsul Guud} buuggan ayaa lagu qeexay mas'uul kasta xilkii uu hayey. Qoraagu wuxuu kashifay awood qeybsigii beelaha iyo saamiwadaaggii dambarka Maandeeq oo lagu saleeyey: caddaaladdarro, eex iyo qaraabokill inay dhashay qalalaase, kala qax iyo qaranjab baaxadweyn.. Qoraagu wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay caddaaladdarradii gaamurtey inay sababtay burburkii Somaaliya. Su'aallaha inta badan lays weydiiyo oo ah: Yaa iska leh eedda qaranjabka? Maxaa sababay in mar qura la waayo dowladnimadii Soomaaliya? Maxaa sababay in himiladii midaynta shanta Soomaaliyeed si fudud loo iloobo isla markaana Jamhuuriyadda Soomaaliya rag maangaabyo ah inay ku riyoodaan in loo kala googooyo (Lixland = Somaliland , Puntland, Midland , Banaadirland, Bayland & Jubbaland)? Su'aallahaas iyo kuwo kaloo tiro badan jawaabtii ku haboonayd, buuggana ayaa si hufan loogu soo bandhigay. Xogta buuggani xambaarsan yahay maaha fekrad male-awaal ku dhisan iyo kutirikuteen ee waa qoraal ku qotoma xog uruurin caddeymo iyo tixtaac leh. Markaad billaawdid aqrinta buuggan waxaad jeclaysanaysaa in aadan dhigin ilaa dhammaadka, macluumaadka iyo murtida ku qoran awgeed.
Buugga 2aad: Hadimadii Gumeysiga ….. Buuggan waxaa lagu soo bandhigay sidii Gumeysigu u kala qoqobay qowmiyadaha Somaaliada iyo Kurdhishka, dhibaatooyinkii laga dhaxlay shantii qeybood ee ummadda Somaalida loo kala dhantaaley inay horseeday qaranjabka Somaalida ku habsaday. Buuggani wuxuu ka kooban yahay seddax waaxood oo kala ah: (1) Soogelidii Gumeysiga ilaa xorriyad qaadashadii. (2) Maamulladii dalka ka jiray 1960-90. (3) Murugmaarugtii iyo fowdadii Hoggaamiye Kooxeedyadu dhaqangeliyeen Rijiimkii Maxamed Siyaad Barre kadib. Taarikhdaas qarni iyo dheeraadka ah oo ka soo bilaabata 14/07/1884 oo ku beegan maalintii Mr Federick Hunter wakiilkii Gumeysiga Ingiriiska iyo Cuqaasha beelaha Woqooyi ay kala saxiixdeen heshiis dhagareedka ilaa 10/10/2004 oo ku beegan maalintii Kornayl Cabdullaahi Yuusuf loo doortay Madaxweynaha Somaaliya, wixii Somaaliya ka dhacay ayaa buuggan si hufan loogu sharraxay. Waxaa kaloo buuggan lagu soo bandhigay dhacdooyin loogu magacdaray AAFADA AXADLEY… 30/12/1990kii oo ah Axaddii dagaalyahannada USC iyo Ciidankii dowladdu ku dagaallameen Xamar ilaa 10/10/2004 oo Axaddii Kornayl Cabdullaahi Yuusuf loo doortay Madaxweynaha, waxaa dalka ka dhacay 55 dhacdo oo aafo iyo shar xambaarsan dhammaantoodna maalin Axad ah dhacay. Waxaa kaloo buuggan lagu qaadaadhigay dagaalkii dhexmaray dagaalyahanka SNA iyo Huwantii UNOSOM, halgankii SNA, Maxamed Faarax Caydiid kumuu ahaa? Yaase diley? {Deelley ku celinteed, dacar huruda kicinteed… Danni jira tilmaantiis, dakaniyo xusuusteed…Waddaniga dadaalkiis, diricii halyeygii… Janankii nindoorkii, horta odaygi yaa diley?} Buuggan ayaad ka heli doontaa insha-llaah
Buugga 3aad: Sooyaalka Somaaliya … Buuggani wuxuu ku saabaan yahay hiddaha iyo dhaqanka faca weyn ee bulshada Somaalidu caanka ku tahay, waa buug ay ku dhan yihiin dhammaan suugaanta kala duwan ee Soomaalida oo si xarrago leh oo qurux badan loo soo bandhigay. Sida runta tahay waa buug soo baxay waqtigii ku haboonaa, maxaa yeelay wuxuu qoraagu ku faro-yareystay xeerarka xilliyada colaadda ee lagu xaqdhowro laguna badabaadiyo naftooda iyo maalkoda kooxaha 7da Birimageydo oo kala ah: ((Ugaas, Culumo, Maato, Magan, Ergo, Socoto & Xidid) ee aan la dilin heer kastoo colaaddu gaartee. Aqristaha waxaa xiise gelin doona oo dareenkiisa soo jiidan doona Shaxda qaabka dhismaha garqaadista ee Xeerbeegtidu uu ambaqaado dhegeysiga dacwadaha iyo shaxda meheradaha bulshada Somaalidu ka kooban tahay (Miyi iyo Magaalo). Buuggani wuxuu faa' iido gaar ah u leeyahay da'yarta gudaha iyo debedda ku nool een nasiibka u yeelan barashada waxtarka iyo qiimaha hiddaha iyo dhaqankooda soo jireenka. Buuggan oo si ballaran loogu sharraxay dhaqankii dhulka hooyo, waxaa ka faa'iideysan doona Soomaalida qurbaha u qaxday oo looga cabsi qabo inay dhaaqan-doorsoomaan, kuna milmaan ummadaha ay la nool yihiin. Murtida iyo suugaanta buuggani xambaarsan yahay ka sokow, waxaa lagu tilmaami karaa diiwaanka kaydka hiddaha iyo dhaaqanka soo jireenka ah, wuxuu kaloo bilow fican u yahay dadka wax ka qora ama raadraaca taariikheed ku sameeya sooyaalka Somaalida. Su'aallaha inta badan lays weydiiyo oo ah: Muranka saldhigiisu yahay Soomaalidu ma Carab baa mise waa Afrikaan? Qaran iyo Qabiil, dowlad dhex iyo deegaan beeleed kee baa Somaalidu aaminsan tahay? Jawaabtii ku haboonayd ayaa buugan lagu soo bandhigay
Buugga 4aad: Tiirka Colaadda :Su'aallaha inta badan lays weydiiyo oo ah, Maxay ka curteen colaadaha sokeeye? Kursi u qooqa iyo qabiil ku bururka maxaa keenay? Qalalaasaha iyo kala qaxa maxaa keenay? Jawaabtii ku haboonayd ayaa buuggan si hufan loogu soo bandhigay.. Buuggani wuxuu xambaarsan yahay xog aad u ballaaran oo kashifeysa waxyaabaha saldhigga u ah colaadda iyo dagaallada sokeeye ee maanta Soomaalida ka dhex aloosan. Nidaamkii ku caanbaxay KEYGA ANIGAA ISKA LEH KAAGANA KULA LIHI oo sababay in qoys-qoys loo kala qaxo ayaa si waafi ah loogu sharraxay.. Sidii Gumeysigu ugu kala eexday beelaha Somaalida ayaa ah eel ilaa maanta aan xididkiisa la siibin. Buuggani wuxuu kaloo faahfaahinayaa Madaxda Afrika oo marka ay xukunka qabsadaan isku sheega Awliyo Alle jecel yahay oo barakeysan, iyagoo wax kastoo wanaag ah isu nisbeeya inay hormood ka ahaayeen isla markaana hirgeliya taariikho la been-abuuray. Buuggan waxaa kaloo lagu soo bandhigay isbarbardhig ku saabsan Kifaaxii Daraawiishta iyo Halgankii Koofurta ee beesha Biyomaal hormoodka ka ahayd. Wuxuu kaloo kashifayaa dowladdii jirtay 1960-90 sidii ay ugu kala eexatay una kala fadishay halgameyaashii gobanimada soo hooyey inay abuurtay niyadxumo.
Gebagebadii
Guntii iyo gebagebadii waxaan leeyahay, nooca cudurka oo la aqoonsado waa dariiqa loo maro daaweynta iyo furaha caafimaadka. Haddaba, aqristow haddii aad doonayso inaad si mug leh oo faahfaahsan u fahamto arrimaha murugadda leh ee sababay burburka Somaaliya barakiciyey, fadlan si dhugmo leh u aqri afarta buug ee sare ku sheegan, kuwaas oo aad ka heli doonto jawaabo waafi ah oo aad ku qanacdo. Buugaagtu magaca ayey wadaaggaan waxayse is dheer yihiin murtida iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin… Qoreyaashu magaca ayey wadaaggaan waxayse is dheer yihiin xog-ogaalnimada iyo xaqiiqda ay soo bandhigaan.. Qarni iyo dheeraad wixii Somaaliya ka dhacay, taarikhdii dalku soo maray, qoraa sare Cabdulqaadir Aroma ayaa qallinkiisa la beegsaday
Buugaagtan oo lagu iibinayo qiime aad u jaban oo raqiis ah waxaad ka heli kartaa : {Ameerika & Canada, Yurub & Carabta iyo East Afrika … Inta badan gobollada Somaaliya iyo dhammaan dukaamada Stationery Xamar} Wakiillada buugaagta laga heli karo, fadlan faahfaahin dheeraad ah arag Shabakadaha Somaalida ee Internetka…
Aqristeyaashu waxay buugaagta ka heli karaan dafaha dunida oo dhan, waxayna ka dalban karaan wakiillada ciwaankoodu hoos ku qoran yahay: