Xarunta Macluumaadka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho laga furay (Warbixin iyo Sawirro)

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

 
 

Khamiis, March 23, 2006(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga furay Xarunta Macluumaadka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo xoojin doonta Doorka ay Bulshada Rayidka ku leeyihiin Hoggaaminta iyo soo celinta Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada.

Xaruntan ayaa dhismaheeda waxaa iska kaashaday Dalladda Waxbarashada Fpens oo ah Dallad ay ku mideysan yihiin Dugsiyo iyo Jaamacado ku yaala magaalada Mqudisho iyo Hay'adda UNDP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda, iyadoo ujeedada loo sameeyayna ay tahay sidii loo heli lahaa goob ay Bulshada Rayidka ku soo bandhigaan afkaartooda.

Xaflad furitaan ah oo loo sameeyay xaruntan ayaa waxaa ka qeybgalay marti sharaf aad u fara badan, kuwaasi oo ka socday Bulshada Rayidka qeybaheeda kala duwan, waxayna u riyaaqeen in ay heleen goob u gaar ah oo ay codkooda ku soo bandhigi karaan.

Faarax Shiikh C/qaadir oo ka mid ah Dalladda Waxbarashada Fpens ayaa sheegay in Xaruntan oo loogu magac daray Somali Resource Center (Xarunta Macluumaadka Soomaaliyeed) ay tahay xarun ay leeyihiin Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu ku soo koobay inta aan hubka sidan.

Faarax Shiikh C/qaadir waxaa uu intaas ku daray in maanta dalka ay ka jiraan colaado laga quustay in xoog xal looga keeno, "waxa wax ka qaban kara dagallada socda waa dhaqanka oo bulshada rayidka kaashanaya, arintaas waa dhab waxaana in qaab dhaqan mushkiladaha lagu xalin xitaa maanta qaba dowaldo waa weyn oo adduunka ka jira, tusaale yar September 11, 2001 wixii ka dambeeyay ee Ameerikaanku isku dayay in uu awood ku muquuniyo dadkii uu tuhunsanaa in ay dhibka u geysteen haatan waxaa u cadaatay Mareykanka in mushkiladaha ka jira Adduunka lagu xalin karo qaab dhaqan ah, wuxuuna dib ugu soo noqday Hay'adda UNESCO oo uu ka baxay sanadihii sideetamaadkii"ayuu yiri Faarax Shiikh C/qaadir oo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nooleystaan Xaruntooda.

C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo isaguna ka socday Dhaqaaqa Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa xafladda ka hadlay, wuxuuna sheegay in dhismaha guryaha aqoonta oo la badiyo ay soo af-jareyso dagaallada iyo wax kasta xumaan ah, hayeeshee wuxuu sheegay in guri qurux badan oo la dhiso uusan micno soo kordhineynin haddii aysan dadkiisa ka shaqeynin gurinimadiisa.

C/qaadir Abkow Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay lugahooda meel isugu geeyaan, isla markaana sida uu hadalka u dhigay ay ka baxaan maalintii Oday-Odayga, Habeenkiina Habar-Habarta, "aqoonyahanku waa in ay aqoontooda wax ku qabtaan oo ay dagaallada socda joojintooda wax ka qabtaan, haddii kale iyagoo wax soo bartay oo aan waxba u qaban dalkooda iyo dadkooda ay ku soo dumeysaa"ayuu yiri C/qaadir Abkow.

"Dagaallo ayaa maanta iyo shalay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ka socda, dagaalladaas weji kasta haloo yeelo waxay u dhaxeeyaan Qabaa'il, waxaana aaminsanahay in ay xalin karaan dadka ehelka u ah kuwa dagaalamaya'ayuu mar kale yiri Abkow oo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee dalka loo soo dhisay ku sheegay mid aan ilko lahayn oo kaaga sii darane iyadii dhexdeeda sanad iyo dheeraad uu khilaaf ka jiro, kaasi oo salka ku haya nidaamka 4.5.

C/llaahi Maxamed Shirwac oo ah Guddoomiyaha Tubta Nabadda Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlay xafladda wuxuuna mahadcelin uu u jeediyay Hay'adihii Xarunta dhisay kadib uu ka hadlay dagaallada deegaano ka mid magaalada Muqdisho, "dagaal baa socda, khaase aan la soo koobi karin oo dhismasho iyo dhaawac isugu jirana waa uu sababay, haddaba waxaa is-weydiin leh maalin kasta ma sidaan ayaan goob joog uga ahaaneynaa bulshadii oo la leynayo, haddii aan sidaas ku sifowno waxaan la mid nahay dad xabsi ku jira oo la heyste ah u ah kuwa qoryaha sita"ayuu yiri C/llaahi Maxamed Shirwac oo sheegay in dagaalka uusan sii socon karin haddii ay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed wada jir uga soo horjeesato.

C/naasir Axmed Cusmaan, Guddoomiyaha Hay'adda Isku xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA ayaa isna codkiisa ku biiriyay aqoonyahankii ka hadlay dagaallada Muqdisho ka socda, wuxuuna farta ku fiiqay in dadka dagaallamaya ay qabiillo la yaqaano ka soo jeedaan, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in runta loo sheego dadka dagaalamaya, "Anigu waxaan qabaan waxani socda ee dagaalada ah in ay dhamaan karaan haddii qaab Qabiil loo wajaho, balse lagu fashilmayo haddii xal u helidooda siyaabo kale loo doono sida in ay dagaalamayaan labo Isbaheysi"ayuu yiri C/naasir Axmed Cusmaan.

Dr. Maxamed Axmed (Maxamed Dheere) oo ku hadlayay magaca Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa xafladdii furitaanka ka sheegay in wax kasta oo fiican ay tahay in fiicnaantooda lagu horumariyo, isagoo taasna ula jeeday Xarunta Macluumaadka Soomaaliyeed ee Bulshada Rayidka loo sameeyay, "Aqoonyahan wax qori yaqaano ayaan maanta qabnaa ee ma qabno aqoonyahanno yaqaana sida looga gudbi karo dhibaatooyinka dadkeena heysta"ayuu yiri Dr. Maxamed Dheere oo dabcan hadalkiisa uu ku wajahnaa xubno ka horeeyay oo soo jeediyay in aqoonyahanka Soomaaliyeed ka dhiidhiyaan dhibaatada dalka ka jirta.

Inj. Xasan Shiikh Maxamuud oo ka tirsan Mas'uuliyiinta Hay'adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD ayaa sheegay in loo baahnaa in mar hore la sameeyo xarun ay ku kulmaan Bulshada Rayidka isla markaana ay doodahooda ku soo bandhigaan, "dhab ahaan waa nagu yar yihiin xarumaha sidan oo kale ah, waana loo baahnaa in la sameeyo, hayeeshee waxaa qasaare noogu filan in xaruntan ay noqoto meel aan gaarin ujeedooyinkii loo aas aasay, sanado kadibna ay bololaan maktabadihii, computers, photocopy-yadii iyo qalabkii kale ee xarunta yiilay, taasina waxay imaaneysaa marka Bulshada Rayidka ay noqoto mid u socod ah oo aan horukac dooneyn.

Intii socdeen khudbooyinkii ay jeediyeen mas'uuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka ayaa waxaa qadka taleefoonka soo galay C/salaan Cumar oo ah madaxa Barnaamijayda UNDP ee dhinaca dowlad wanaaga, wuxuuna isagoo ku sugan magaalada Nairobi uu u hambalyeeyay ka soo qeybgalayaashii Xafladda oo uu u sheegay in uusan u soo wicin in uu u sheego in UNDP ay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Xarun u dhistay balse ujeedkiisu uu ahaa in uu farxadda la qeybsado Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay kuow awood u leh in ay wax qabtaan, "Muqdisho dadka ay dhiman la'dahay waa idinka waayo waxaad gacanta ku heystaa goobo waxbarasho-caafimaad iyo ganacsi, sidaas darteed waa in aad dadaalkiina sii wadaan oo aad nabadgelyada ka shaqeysaan, caruurta daadihisaan, isla markaana aad Dumarka ilmada ka tirtaan"ayuu yiri C/salaan Cumar oo ku baaqay in dagaallada Muqdisho ka socda oo aan lagu kala adkaaneynin la joojiyo, wuxuuna sidoo kale ka cudurdaartay in uusan maanta xafladda ka qeybgeli karin duruufo jiro aawgood.

Axmed C/llaahi Shiikh Guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada Fpens ayaa munaasabaddii furitaanka Xarunta ka hadlay, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka doorarkii uu soo maray dhismaha Xaruntan oo uu sheegay in ay tahay mid ay leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay dhisitaankeeda iska kaashadeen Fpens iyo UNDP, wuxuuna intaas ku sii daray in ay xarunta leedahay Hool weyn, Maktab, Qeyb Internet ah oo ay ka faa'iideysnayaan dadka Cilmi baarista sameynaya, Masjid, iyo adeegyo kale, "Xarunta hadda waa ay inoo dhisan tahay, xoogaa adeegyo ahna waa noo yaaliin oo aan howsha ku sii bilaabi karno balse waxaan UNDP iyo hay'adaha kale ee Caalamiga ah aan u sheegeynaa in ay weli Xarunta u baahan tahay wax u qabashadooda"ayuu yiri Ustaad Axmed C/llaahi Shiikh oo xusay in Xarunta ay sidoo kale leedahay Guddi Siyaasad-dejiye ah, kaasi oo ay xubnahiisu ka kooban yihiin ilaa 17 ruux.

Mr. Eric Overvest oo ah Madaxa UNDP, ahna Ku simaha Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa isagoo jooga magaalada Nairobi wuxuu isna bogaadiyay xubnihii Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee xafladda xaadirka ku ahaa, wuxuuna sheegay in UNDP ay u heelan tahay la shaqeynta Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, "Bulshada Rayidka Soomaaliyeed door weyn ayay ku leedahay xalinta khilaafaadka dalka ka jira iyo weliba soo celinta nabadda, sidaas darteed micno ayay sameyneysaa in Bulshada Rayidka Xarun sidan oo kale ah loo dhiso"ayuu yiri Mr. Eric Overvest oo Bulshada Rayidka ugu baaqay in ay ka qeybqaataan ka hadalka dhibaatooyinka dalkooda ka jira iyo weliba sixidda qaladaadka dhinaca Dastuurka ah ee dhici kara.

Khaliif Xasan Faarax oo UNDP u qaabilsan dhinaca Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa isaguna hadal kooban ka yiri Xafladdii maanta wuxuuna sheegay in Xaruntan ay tahay mid Bulshada Rayidka u fududeyn doonta in ay afkaarahooda ku soo bandhigaan, wuxuuna caddeeyay in ay ku qabsan karaan haatan wixii ka dambeeya shirarkii, seminaarradii iyo howlihii kale ee ay Hotellada ku qabsan jireen, isagoo intaas kadibna ballanqaaday in UNDP ay Xaruntan garab taagnaan doonto si ay u najaxaan hadafyada loo aas aasay.

Ugu dambeyntiina Xaruntan oo dhismaheeda la soo bilaabay bishii Oktoobar ee sanadkii 2005 ayaa waxay ku taalaa Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Dugsigii sare ee Banaadir.

Back to Hiiraan Online

Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online