Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Isniin, March 06, 2006(HOL): Magaalada Baydhabo oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya waxaa haatan ku jeeda dareenka inta badan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, waxaana taasi ugu wacan iyadoo uu ku shirsan yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo muddo sanad iyo bar ka badan khilaaf ku kala maqnaa.
Marka qof aan tegin weligiis la yiraahdo Baydhabo ayaa shirkii Baarlamaanka ka furmayaa waxaa uu u baahan karaa in sawir laga siiyo, sidaas darteed ayaan door bidnay in aan sawir guud ka bixino magaalada Baydhabo oo dhawaan Wariyaheena Xiis uu booqasho ku tegay.
Magaalada Baydhabo waa magaalo afarta gees Baadiye ka ah ama jiq ay kaga hareereysan tahay, dhexda ayay ka dhisan tahay, waxay magaalada Muqdisho u jirtaa in ka badan 240km, waxaa laga heli karaa adeegyada daruuriga ah ee ay dadku u baahan yihiin, inkastoo ay wax u dhimeen dagaalladii sanadihii u dambeeyay ka dhacayay, kuwaasi oo u dhaxeeyay Shaatigaduud, Xaabsade iyo Shiikh Aadan Madoobe oo haatan ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Magaalada xiligan waa kuleyl maalintii, habeenkii gelinka dambe ilaa subaxda 9-ka aroornimo-na waa qabow, waa ku dhib cimilo ahaan in uu dhaqsi kula qabsado qof ka yimid magaalo kale sida Muqdisho oo kale, todobaadka ugu horeeyo ee aad magaalada ku cusub tahay waxaa kugu dhacaya is-bedel dhinaca muuqaalka ah waayo biyaha iyo cimilada qofka ku cusub ayaa waxay jirka qofka ka dhigayaan mid qayiran xitaa haddii aad isticmaasho kareemooyinka jirka lagu dabciyo.
Haatan magaalada waxaa ku sugan Xildhibaano ka badan 200 iyo ku dhawaad dad gaaraya 300 oo ruux, kuwaasi oo Xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta sare ee dowladda ka raacay magaalooyinkii ay ka tageen (Nairobi, Muqdisho, Jowhar iyo deegaanda Puntland). Magaalada meeshii aad eegto waa mashquul, waxaa ku badan dhaqdhaqaaqyada dadka, gaar ahaan Xildhibaanada oo sida dadka caadiga ah waddooyinka magaalada isaga dhex socda
Meel kasta oo aad tagto waxaad ku arkeysaa Wasiir ama Xildhibaan si xor ah isaga mushaaxaya, kaasi oo aysan la socon wax ilaalo ah, sida markii ay joogeen Muqdisho oo kale. Dabcan Baydhabo waxay u saamaxday Xildhibaanada Baarlamaanka labo jawi oo aaney horay ugu heysan Muqdisho iyo Jowhar.
Xildhibaanadii Muqdisho ka tegay oo kale waxay Baydhabo ku heleen nabadgelyo, dibadda Hotellada ay degan yihiin ayayna isaga leersadaan, sidoo kalena, waxay taleefoonadooda gacan qaadka ah iyagoo adeegsanaya ay iska dhex socdaan magaalada, waxayna ka cunteeyaan maqaayada caadiga ah ee ay dadku isticmaalaan, sidoo kalena waxay si cabsi la'aan ah uga soo adeegtaan Suuqa lagu iibiyo Qaadka, iyadoo mararka qaarkood aad arkeyso Xildhibaano gacanta ku haya Xirmo Qaad ah oo la gor-gortamaya Haweenkii iibinayay
Xildhibaanadii iyo Wasiirradii Jowhar ka yimidna waxay Baydhabo ku soo dhaweysay Xornimo oo uma cabursana sidii ay ahaayeen markii ay Jowhar joogeen, inkastoo dhinaca ammaanka ay u wanaagsaneyd magaalada Jowhar oo aaney ku arki jirin maleeshiyooyin hub la maraya magaalada dhexdeeda.
Marka laga soo tago ammaanka iyo xorriyadda ka jirta magaalada Baydhabo waxaa dhinaca kale bar bar socda oo magaalada aad uga buuxa maleeshiyooyin tiro badan oo weliba ku hubeysan Tiknikooyinka dagaalka, inkastoo la sheego in ciidamadaasi ay yihiin kuwo sugaya ammaanka Magaalada. Inta aad magaalada dhex socoto waxaad arkeysaa maleeshiyooyin is-dhaaf dhaafaya oo qoryahoodii deegta ku sita, kuwaasi oo mararka qaarkood aad naftaada uga baqeyso amaba ay ku soo food saareyso cabsi ah in ay dhac kuu geystaan.
Dadka ka soo jeeda magaalada iyagu dhaqdhaqaaqooda kuma badna faras magaalaha, waxayna u kala jiraan, kuwo guryahooda ku sugan, kuwo goobahooda ganacsiga aan soo dhaafin iyo weliba kuwo iska fadhiya gidaarada oo ku indho baqaaqsan Xildhibaanada, Wasiirrada iyo dadka kale ee magaalada ku cusub.
Ammaanka magaalada waxaa suga ciidamo nabadgelyo oo aad u hubeysan, kuwaasi oo ka amar qaata Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo isagu haatan looga dambeeyo habsamo u socodsiinta howlaha shirka iyo ilaalinta nidaamka guud ee magaalada. Xildhibaan Xaabsade oo horay magaalada gacanta ugu hayay, Wasiirka Beeraha Xildhibaan Shaati-gaduud iyo Wasiirka Garsoorka Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe intuba waxay haatan yihiin kuwo aan laga dareemeynin in ay hayaan wax mas'uuliyad ah oo ku saabsan gacan ku heynta magaalada, waxayna magaalada isaga dhex socdaan si xor ah iyadoo mararka qaarkood aadan arkeynin ciidamo ilaalo ah oo la socda.
Ciidamadii ay wateen seddexdaas nin oo horay dagaal iskala soo horjeeday ayaa inta la isku daray waxaa magaalada looga saaray dibadda, iyadoo la kala dejiyay labo xero oo lagu kala magacaabo Deynuunaay iyo Mannaas, inkastoo mararka qaarkood ay ciidamadaas si is-bed-bedel magaalada u soo galaan, iyagoo qaad iyo hawo gedis doonaya.
Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo intuba ku wada sugan magaalada Baydhabo waxay kala degan yihiin Galbeedka (Madaxweynaha), Waqooyiga (Ra'iisal Wasaaraha) iyo Bariga Magaalada (Guddoomiyaha Baarlamaanka), inta badanna lama arko dhaqdhaqaaqyadooda, waxaana taasi ugu wacan iyagoo faras magaalaha ka fogaaday.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi waxay magaalada ku heystaan ciidamo aad u tiro badan iyo tiknikooyin oo dhinaca dhulka ka galay magaalada, hayeeshee Ciidamadaas iyo Tiknikadooda laguma arko magaalada gudaheeda, marka laga reebo xiliyada ay shirarka jiraan, markaasi oo ay soo baxayaan mas'uuliyiinta Dowladda. Sidoo kalena labadan mas'uul oo kaliya ayaa loo ogol yahay in ay ciidamadooda la galaan madasha shirka, iyadoo weliba hoolka shirka ay uga sii horeeyaan ciidamada gaarka ah ee bodyguard-ka loo yaqaano, kuwaasi oo ay dhibaato weyn isku qabaan xitaa Wariyayaashii codadka iyo sawirrada ka qaadan lahaa mas'uuliyiinta Dowladda.
Shaki la'aan Magaalada Baydhabo waxay ku guuleysatay in ay martigeliso kalfadhigii ugu horeeyay ee ay isugu yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya Xildhibaanada Baarlamaanka, dadkeeduna xilkasnimo ayay muujinayaan ilaa iyo maanta.
Dhinaca kale marka aan ka eegno magaalada Baydhabo waxay leedahay adeegyada ay leeyihiin magaalooyinka la midka ah ee ku yaala dalka Soomaaliya. Garoon Diyaareed oo macmal ah ayay leedahay oo magaalada wax yar ka baxsan, Deked ma lahan oo joqoraafi ahaan halka ay ku taalo ayaanan u saamixin, gaadiid mara cirka iyo dhulka ayaa lagu geeyaa magaalada Baydhabo, raashinka, dawooyinka iyo alaabaha ay dadku u baahan yihiin.
Magaalada dhinaca caafimaadka waa ay ka liidataa, waayo waxaa xiran Isbitaalkii weynaa ee magaalada oo aan howlgelin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay siyaasadda ku kala tageen siyaasiyiinta RRA-da, dhibaatada ugu weyn ee haatan taalo magaalada Baydhabana waa taas, matalan haddii haatan qof ku dhaawacmo magaalada Baydhabo waxaa loo qaadayaa magaalada Muqdisho, meel ka sokeysana ma jirto, haddii aanan Nairobi diyaarad loo saareynin, taasi oo iyada qudheeda aaney dadku wada heli karin.
Suuq weyn oo ganacsi ayaa magaalada ku yaalo, kaasi oo ay dadku ka dukaameystaan, maciishadda caadiga ah ee quutul-daruurigana waa mid aan wax badan ka duwaneyn tan magaalada Muqdisho, dharka oo kale Baydhabo ayaa ka raqiisisan magaalada Muqdisho. Sidoo kale magaalada waxaa ku yaalo Dugsiyo waxbarasho iyo Jaamacad suurtagelisay in ay dadka gobollada Bay iyo Bakool ay ka maarmaan in ay meelo kale u doontaan waxbarasho Jaamacadeed.
Dhinaca Isgaarsiinta magaalada Baydhabo waxaa ka howlgala seddexda shirkadooda ee Soomaaliya oo dhan ku baahay ee kala ah Telecom, Hormuud iyo NationLink, kuwaasi oo bixiya adeegyo ay ka mid yihiin taleefoonnada Land-line-ka ah ee guryaha, goobaha ganacsiga iyo xafiisyada la gashado iyo weliba adeegga taleefoonnada gacan qaadka ah ee Mobiles-ka.
HOL intii ay ku guda jirtay howlgalkeeda indha-indheynta magaalada Baydhabo waxaa ay booqatay Xaafadda Isha Baydhabo oo ay ku taalo Ishii ay biyaha ka burqanayeen, inkastoo xiligan ay biyo yareysay jiilaalka lagu jiro aawgiis. Isha Baydhabo inkastoo ay biyo yareysay hadana waxaa biyaheeda dharka ku dhaqda, ku qabeysta, guryahana u qaata dadka magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ku dhaqan qaarkood. Waxba yaanan hadal idinku daalin waxaad halkanba ka arki kareysaan muuqaalka Isha Baydhabo oo weliba geedkii Bardaha ee uu Fannaanka Xasan Aadan Samatar kaga heesay “Bardihii ku yiil isha Baydhabo, Intuu Gun iyo Baar Baxay Caleemuhu Ballaarteen Baxar-Saaf la moodyee)”.
In aad Baydhabo tagto adiga oo Xamar ka tegay waxaad ku mudaneysaa dhibaato aad u faro badan oo isugu jira isbaarooyin 20 ka badan oo daadsan min Xamar ilaa Baydhabo, kuwaasi oo ay joogaan maleeshiyooyin ka amar qaata Beelaha Habar-gidir iyo Digil iyo Mirifle.
Laga bilaabo Ex-Koontarool Afgooye ilaa halka lagu magacaabo Leego waxaa jooga Maleeshiyooyin ka soo jeeda Jufo ka mid ah Beesha Habar-gidir, halka Leego ilaa Magaalada Baydhabo laga gaarana ay joogaan maleeshiyooyin ka soo jeeda Jufooyin ka tirsan Beesha Digil iyo Mirifle.
Intaas waxaa kuu sii dheer maleeshooyin madax bannaan oo la sheegay in ay ka soo jeedaan Beesha Gaal-jecel, kuwaasi oo gaadiidka safarka ah u gala inta u dhaxeyso Leego iyo Qardho oo ku dhex yaala Wadada isku xirta Xamar ilaa Baydhabo. Maleeshiyooyinkaas oo Geel la jir ku ah deegaanadaas waxay gaadiidka wadadaas mara marka hore huwiyaan rasaas, kadibna marka ay dadkii saarnaa gaariga ka dhigaan wax dhintay iyo wax dhaawac ah ayay baarasho kula dhaqaaqaan, iyagoo gaadiidkana aalaaba ku gaada meelo ay waddooyinka ka burbursan yihiin oo ay qasab tahay in gaariga uu si tirtiib ah u maro.
Xasan
Aadan oo ah Darawalkii Baydhabo naga soo qaaday
aniga iyo Wariyayaal kale ayaa wuxuu noo sheegay
in seddex maalmood ka hor wadadaas lagu rasaaseeyay
gaarigiisa, wuxuuna koofanaha gaarigiisa naga
tusiyay Rasaas isaga loo waday oo lala waayay.
Sheekadaas aad ayay noo cabsi gelisay, waxaana
soo marnay halkii cabsidaas ka jirtay innaga
oo wadnaha farta ku heyna.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baydhabo hadda
xaalkeeda waa ok, maxayse kuugu taalaa waxaa
ka sokeeya jid gooyooyin ay maleeshiyooyin
ka buuxaan, dhul abaarsaday oo leyrta aad
ka heli karto inta aad wadada socoto ay tahay
hanfi indhaha kaa dhibaya, welibana kuleyl
ka dhigaya haddii aad sidatay biyo aad cabto.