Dibadbax lagu taageerayay Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay Gobolka Hiiraan oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Sabti, June 17, 2006(HOL): Dibad-bax kii ugu balaarnaa inta la xasuusan yahay oo soo mara gobolka Hiiraan, laguna taageerayay Maxkamaddii dhawaan looga dhawaaqay Gobolka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa uu ka dhacay Fagaaraha Isbitaalka weyn ee Gobolka Hiiraan.
Isku soo baxan oo ay soo qaban qaabiyeen Xubaha Ururka la magac baxay Midnimada iyo Bad-baada Umadda Soomaaliyeed oo ah kuwa qeybta ka qaatay hirgalinta Maxkamadda ayaa intii aysan bilaaban ka hor ka qeyb-galayaashu waxaa ay socdo dheer ku soo mareen Guud ahaan magaalada, iyagoo intaas kadibna isugu soo uruuray fagaaraha oo ay kala hadleen Culimaa'udiinka Maxkamadda.
Qudbadihii la jeediyay oo ah kuwo u badan Guubaabo iyo in dadku ka qeyb-qaataan hirgelinta Shareecada Islaamka, ayaa waxaa xusid mudan in ay ku jireen Qodobo siyaasadeed oo qaar ka mid ah culimadu soo hadal qaadeen.

Shiikh Ibraahim Jiiley oo ka mid ahaa culimadii ugu cad cadeed ee ka hadashay dibad baxa ayaa sheegay in marnaba haddii ay yihiin dadka Gobolka aysan Ogolaan doonin in ciidamo shisheeye la keen Gudaha dalka, waxaana uu soo hadal qaaday sida uu yiri warar laysla dhaxmaray oo sheegaya in culimadu duulaan ku yihiin qeybo ka mid ah dhulka Ethiopia taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay arin aan sal la heyn, balse waxaa uu ka dhawaajiyay in dowlada Ethiopia Laftirkeeda looga baahan yahay in ay tixgeliso jiritaan Umadda Soomaaliyeed iyo deris wanaaga.
Dhanka kale waxaa ay shacabka ku booriyeen culimadu in laga digtoonaado in jiraan kuwo u adeegaya sida uu hadalka u dhigay Gaalada oo ku sugan Gudaha Gobolka, kuwaasi oo xitaa laga yaabo in joogaan goobta dibad baxu ka dhacayay waa sida uu Shiikha hadalka u dhigaye.
Dadka ka soo qeyb-galay isku soo baxa oo ahaa kuwo wajiyadooda laga dheehan karay Qiiro aad u weyn ayaa ku dhawaaqayay erayo dhamaantood ku saleysan taageerada Maxkamadaha ka hergalay gudaha dalka iyo sida aysan marnaba u ogolaan doonin in dalka Soomaaliya lagu sameeyo faragalin shisheeye.
Ka hor inta uusan dibad baxani bilaaban ayaa waxaa ka dhacay gudaha magaalada Isku dhac dhex maray ciidamada Maxkamdaha iyo ciidamada ka amar qaata guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Dabageed oo doonayay in ay joojiyaan qabsoomida isku soo baxa, taasoo qasabtay intii uu socday dibad baxa in ciidamada maxkamadu iyagoo hubeysan ay gaaf wareegaan hareeraha goobata banaanbaxa ka dhacayay.
Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah culimadu ka dhawaajiyeen in ay xiriir rasmi ah la leeyihiin Midowga Maxkamada Islaamiga ah maadaama ay ka siman yihiin fikirka la xiririra ku dhaqanka shareecada Islaamka,waxaana qodobkaasi uu ahaa mid ay ku jahwareer sanaayeen markii hore Bulshada Gobolka Hiiraan oo su'aalo badan iska weydiinayay wax kacdoonku ku saleysan yahay.
Taageerada ay muujiyeen Bulshada Gobalka ayaa ishaareysa sida shacabku ugu ooman yahay in lagu dhaqo shareecada Islaamka, Gaar ahaana loo soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii oo ay sheegeen in uu maamulka Gobolka ku fashilmay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn , Somalia