1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2006
8 Bilood kadib sidee bey u arkaan shcabka Gobolka Hiiraan Mas’uuliyiintii Gobolka ee ku soo noqotay?


Khamiis, December 28, 2006(HOL): 25kii Bishan aynu u jirno ayay ahayd markii ay soo gaareen xarunta Gobalka hiiraan mas'uuliyiinta maamulkii Gobalka ee mar iyagu talada lagala wareegay,  kadib markii gacan buuxda oo ay ka heleen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka  oo ay galbinayaan cutubyo ciidamado Itoobiyaan ah.

 

Shacabka ku dhaqan Gobalka hiiraan  markii ay maqalee in ay kusoo fool leeyihiin gudaha Magaalada Mas'uuliyiintii maamulka Gobalka markiiba waxaa ay iska xaadiriyeen Xarunta maamulka Gobalka, oo ay saareen Calankii Jamhuuriyada, Taasoo durbadiiba muujisay sida shacabku ugu heelan yahay la shaqeynta cidii la wareegta talada  halka ay ku nool yihiin.

 

waxaana markiiba Qudbooyin aad u mac macaan balan qaadyo badana xabaarsan u jeediyay mas'uuliyinta Heer gobal iyo degmo ee maamulka gobalka kuwaasoo xitaa ku guubabiyay in uu furan yahay dhamanba ganacsigii  laga xayiray xligii Maxkamaduhu talinayeen taasoo keentay in markiiba wadooyinka magaalada lagu arko   haweenka oo ka ganacsanaya  Qaadka

 

Laakiin Balan qaadyada ay sameeyeen mas'uuliyiinta maamulka Gobalka ayaa markiiba waxaa uu shacabku  ka keenay su'aalo  is daba joog ah gaar ahaan dhinaca nabad galyada,  sida  malaga yaabaa in amnigu gaaro mar kale  halkii ay gaarsiiyeen Maxkamaduhu"   oo marka aad qaar ka mid ah shacabka su'aashaa iyaga ku celiso ay kugu jawaabayaan aad bey u adag tahay, balse hadana marka aad arinka dhan kale ka eegto waxaa muuqta in shacabka qaarkii  ay kuu sheegayaan in nidaam kooxeysi ay mar walba ay ka jecel yihiin mid dowli ah.

 

Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta mar kale dib ugu soo laabatay talada Gobalka oo ay HOL kala wax ka weydiisay  bal hadii ay jiraan wax yaabo ay ku amaanayaan maamulkii ka horeeyay ee maxkamada waxaa ay sheegeen in  labo qodob oo kaliya laga soo qaadi karo sida  In ay gacan bir ah ku qabteen nabad galyada iyo waliba iyaga oo bur buriyay Goobihii  sharci darada soona celiyay bilicsamidii magaalada,

 

Gudaha magaalada Bweyn ayaa lagu arkayaa mar aad dhax marto ciido gaaf wareegaya dadkana ku amraya in ay  baneeyaan goobihii   sida sharci darada loo degay,  shacabku mar u qaatay in la sii daganaan karo maadaama nidaamku is badalay

 

Si kastaba xaruntii maamulka Gobolka oo mudo lagu dhax arkayay ciidmo  astaantoodu tahay  Cimaamado ayaa hada waxaad ku dhax arkeysaa oo badalay ciidmo labisan dharka  kaakiga ah oo ay qaataan ciidamada dowlada federaalka, waxaase xusid mudan in mar walba shacabku in dhaha ku hayo sida  ay u hanan doonaan amaanka mas'uuliyiinta hada talada yahaya, maadaama waqtigii koobnaa ee maxkamadu talada heysay si weyn loogu diirsaday nabad galyada  guud ahaan gobalka Hiiraan.

 


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyn, Somalia