Xawaaladda Global Express
Laanta Afka-Soomaaliga ee BBCda Barnaamijka - Sagaalka Habeenimo - G. Afrika Barnaamika - Shanta Galabnimo G. Afrika Barnaamika - Labada Duhurnimo - G. Afrika
Happy New Year




Wararka Maanta- Axad, Aug 13, 2006










· XUKUUMADDA CUSUB EE PROF. GEEDI OO MAANTA LAGU HOR DHAARINAYO GOLAHA BAARLAMAANKA
· GUDDOOMIYAHA GOLAHA MAXAAKIIMTA IYO WAFDI KA SOCDA DOWLADDA KENYA OO MUQDISHO KULAN KU YEESHAY (Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo la filayo in uu Muqdisho yimaado)
· Mas'uul ka tirsan Jaamacadda Carabta oo kashifay awood qeybsiga ay Maxaakiimta Islaamka kula midoobayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed
  SHIIKH KA TIRSAN CULUMADA AHLU SUNNA WAL-JAMAACA OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL (Maxkamadaha Islaamiga iyo Shiikha oo si kala duwan uga hadlay arrintaas)












XUKUUMADDA CUSUB EE PROF. GEEDI OO MAANTA LAGU HOR DHAARINAYO GOLAHA BAARLAMAANKA

Wasiirrada cusub ee ku soo biiray Xukuumadda waa kuwee, kuwee ayaase xilalkoodii waayay, intee wasiir ayaase ka fiiday isku shaandheynta cusub?

Axad, August 13, 2006(HOL): Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa la filayaa in uu maanta kaga hor dhawaaqo Xubnaha Golaha baarlamaanka Liiska Xukuumaddiisa cusub ay ka kooban tahay, iyadoo la sheegayo in kulanka xubnaha Baarlamaanka uu goob joog ka noqon doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Geedi lagu hor dhaarin doono xubnaha Golaha Baarlamaanka, iyadoo muddo seddex bilood kadib ahna lagu soo celin doono Baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida .

Xuuraansi dheer oo aan ku sameynay xubnaha golaha Wasiirrada gaar ahaan 31-ka wasiir ayaan ku ogaanay in wasiirradu ay isugu jiraan kuwo cusub, qaar loo kala bedelay xilalkii wasaaradeed ee ay horay u hayeen, waxayna kala yihiin sida tan:

Beesha Hawiye

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid (Habar-gidir)

Wasiirka Waxbarashada Cali C/llaahi Cosoble (Xawaadle)

Wasiirka Ganacsiga Muuse Cali Cumar (Abgaal)

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur (Habar-gidir)

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Saalax Cali Faarax (Gaaljecel)

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Nuur Wabar Cabdi (Baadi-Cadde)

Wasiirka Beeraha C/qaadir Nuur Caraale (Murusade.

Beesha Daarood

Wasiirka Kalluumeysiga Xasan Abshir Faarax (Majeerteen)

Wasiirka Shidaalka iyo Tamarta Maxamed Cabdi Yuusuf (Ortoble)

Wasiirka Gaashaandhigga Barre Hiiraale iyo C/risaaq Isaaq Biixi midkood (Mareexaan)

Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Sayid Aadan (Mareexaan)

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Axmed Jaamac Jingili (Dhulbahente)

Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Cabdi Maxamed Tarax (Ogaadeen).

Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Cali Ismaaciil Cabdi Giir (Leelkase).

Beesha Digil iyo Mirifle

Wasiirka Maaliyadda Xuseen Maxamuud Shiikh (Dabarre)

Wasiirka Amniga Qaranka Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud (Xariin)

Wasiirka Haweenka iyo arrimaha Qoyska Fowsiyo Maxamed Shiikh (Eelaay)

Wasiirka Xanaanada Xoolaha (Wasiir cusub)

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Ibraahim Kiish-buur iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade Midkood (Liisaan)

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Saalim Caliyow Ibrow (Jiido)

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Shiikh Aadan Madoobe (Hadamo).

Beesha Dir

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa (Isaaq)

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Avv. Cumar Xasan Subeyr (Biyamaal)

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Shiikh Xasan Bile (Isaaq)

Wasiirka Caafimaadka Mahad C/llaahi Cawad (Surre)

Wasiirka Dib u heshiisiinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye (Isaaq)

Wasiirka Qorsheynta Xuseen Ceelaabe Faahiye (Godubiirsi)

Wasiirka Warshadaha Cabdi Axmed Caana-nuug (Ciise ).

Beesha Shanaad

Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta Maxamed Maxamuud Xeyd (Muuse Dheri)

Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Mowliid Macaan iyo C/kariin Dheeg midkood (Jareer iyo Carab Soomaali)

Wasiirka Aafada iyo Deegaanka Maxamed Cusmaan Maye (Banaadiri)

Wasiirro dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Cusmaan Caato, C/llaahi Shiikh Ismaaciil, C/risaaq Jurille, Maxamed Maxamuud Gacma-dheere, C/kariin Axmed Cali, C/raxmaan Ibbi ayaan ka mid noqon doonin Xukuumadda cusub, halka ay kuwo kale ka faa'iideen wasaaradaha loo kala bedelay, inkastoo liiskan uusan ahayn midkii rasmiga ahaa ee ka soo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia





 




GUDDOOMIYAHA GOLAHA MAXAAKIIMTA IYO WAFDI KA SOCDA DOWLADDA KENYA OO MUQDISHO KULAN KU YEESHAY

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo la filayo in uu Muqdisho yimaado

Axad, August 13, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga fulinta golaha maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shalay Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Kenya oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga Dowladda Kenya ee uu hoggaaminayay Xildhibaan Bilow Keerow oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KANU oo uu wehliyo Muftiga caanka ah ee Shiikh Maxamuud Cabdi Ummal ayaa la soo weriyay in ay mas'uuliyiinta Golaha Maxaakiimta kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kulanka labaad ee ay ku wada hadlayaan iyaga iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna Xildhibaan Bilow Keerow uu sheegay in ay u ballanqaadeen Golaha Maxaakiimta sida ay diyaarka ugu yihiin ka qeybgalka wejiga labaad ee wada hadallada Khartoum.

Guddoomiye Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa u sheegay wafdigan in aaney Maxkamadaha Islaamka duullaan ku ahayn dalalka deriska la ah Soomaaliya, isla markaana aaney wax argagixiso ah joogin gudaha Soomaaliya, wuxuuna Shiikh Shariif ka ballanqaaday wafdigaas in ay ka qeybgeli doonaan wada hadallada soo socda ee Khartoum.

Dhinaca kalena wafdigan ayaa hordhac u ahaa imaatinka wafdi uu heerkiisu sareeyo oo ay dowladda Kenya u soo direyso Soomaaliya maalinta berri ah, iyadoo wafdigaasina la sheegay in uu soo hoggaamin doono Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Raphael Tuju, kuwaasi oo la sheegay in ay ku soo hormari doonaan magaalada Baydhabo, kadibna ay uga soo baqooli doonaan dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay wada hadallo kula yeelanayaan mas'uuliyiinta Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Mas'uul ka tirsan Jaamacadda Carabta oo kashifay awood qeybsiga ay Maxaakiimta Islaamka kula midoobayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

Axad, August 13, 2006(HOL): Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Afrika ee Jaamacadda Carabta Danjire Samiir Xusni ayaa shalay shaaca ka qaaday in Maxkamadaha Islaamigu ay u sheegeen Jaamacadda Carabta in jagada Madaxweynaha Dowladda Federaalka ay banaanka ka tahay wada hadallada soo socda ee Khartoum oo la filayo in looga wada hadlo sida ay labada dhinac u qeybsan lahaayeen awoodda Dowliga ah.

Danjire Samiir Xusni ayaa sheegay in ay maxkamadaha Islaamigu doonayaan in ay ka mid noqdaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Mas'uulkan waxaa kale oo uu codsaday in si deg deg ah loo dhiso Xukuumadda cusub ee Soomaaliya, ka hor xiliga loo qabtay wejiga labaad ee wada hadallada Khartoum oo uu sheegay in la qaban doono 15-ka ilaa 16ka bishan, wuxuuna xusay in Xukuumadda cusub ay kaalin fir fircoon ka qaadan doonto kulanka soo socda ee Khartoum, isagoo sidoo kale caddeeyay in labada dhinacba ay si buuxda uga ogolaadeen ka qeybgalka kulanka soo socda ee ay diyaarisay Jaamacadda Carabta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




SHIIKH KA TIRSAN CULUMADA AHLU SUNNA WAL-JAMAACA OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL

Maxkamadaha Islaamiga iyo Shiikha oo si kala duwan uga hadlay arrintaas

Axad, August 13, 2006(HOL): Shiikh Axmed Maxamed Khaliif oo ah Xoghayaha Dalladda Culumaa'udiinka ee Gobolka Hiiraan ayaa habeen hore ka badbaaday isku day dil, kadib markii rasaas lagu furay xili uu ku sii jeeday gurigiisa.

Shiikhan oo ka tirsan Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca ayuu Taliyaha Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ee Beledweyne Shiikh Yuusuf Yare ku sheegay weerarka lagu qaaday in uu ahaa mid ay ka dambeeyeen cadawga Islaamka, balse Shiikh Axmed Maxamed Khaliif oo Idaacadda Banaadir u waramayay ayaa sheegay in Maxkamadda Islaamiga ee Beledweyne bartilmaameed ka dhiganeyso culumada Ahlu Sunna Waljamaaca, taasi oo uu sheegay in ay kula dirirayaan madhabta Shaaficiyada ee ay aaminsan yihiin, isagoo xusay in ninkii weerarka ku soo qaaday uu ka tirsanaa Maxkamaddaas.

Shiikh Axmed iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan ee maamulka Yuusuf Daba-geed ayay horay xabsiga u dhigeen maleeshiyada Maxkamadda cusub ee magaalada Beledweyne, wuxuuna Shiikh Axmed sheegay in mudadii lagu hayay xabsiga loola dhaqmay si xun, isla markaana loo diiday meel ay ku tukadaan.

Meel aan ka aadeyno ma jirto, waana iska celineynaa, dadka Gobolka u dhashayna ma taageersana nidaamkooda cusub”ayuu yiri Shiikh Axmed oo sidoo kale sheegay in isla habeen hore la weeraray guri kale oo uu ku lahaa gudaha Magaalada balse uusan xiligaas ku sugneyn, “waxay ii sheegtay maxkamaddu in si qalad ah la igu rasaaseeyay”ayuu yiri.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2006 Hiiraan Online