Sabti, September 23, 2006(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo ayaa waxay beenisay in ay CIA-da Mareykanka ka codsatay in ay u baarto qaraxyadii 18-kii bishan ka dhacay Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo lagu dili rabay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ka codsatay CIA-da Mareykanka in ay u baarto sidii loo sameeyay qaraxyadii loo geystay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuse sheegay in uu jiray codsi ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku socday guud ahaan beesha Caalamka, isagoo intaas ku sii daray in dowladaha IGAD qaarkood ay daneynayaan in ay ka qeybqaataan baaritaanka lagu sameynayo Qaraxii dhacay.
Dhanka kalena, C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in dowladdu ay su’aalo weydiineyso lix nin oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen amaba ay ku lug lahaayeen Qaraxyadii Baydhabo ka dhacay oo ay ku dhinteen 11 ruux oo uu ku jiray nin la dhashay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, halka ay ku dhaawacmeen 19 ruux oo kale, wuxuuna afhayeenku ka gaabsaday in uu magacyadooda sheego lixda nin ee loo hayo qaraxyadii Baydhabo ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia