Isniin, October 02, 2006(HOL):Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Arrimaha Soomaaliya Signore Mario Raffaelli ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in halganka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ee ciddii ka talin lahayd Soomaaliya uu noqon karo mid gobolka geeska Afrika dagaal ka holciya, dagaalkaas oo uu Danjiruhu sheegay in ay ku lug yeelanayaan dalalka Itoobiya, Eretrea, Kenya iyo xitaa Suudaan.
Danjire Mario Raffaelli oo u waramayay Wakaaladda Wararka AP ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta uu is-bedelkii Muqdisho ka dhacay ku yeeshay guud ahaan gobolka, “is-bedelka ka dhacay Muqdisho waxaa uu bedelay sawirka guud ahaan gobolka geeska Afrika, wuxuuna sawirkaasi xaaladda ka dhigay mid halis weyn wata”ayuu yiri Danjiraha Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia