Arbaco, October 18, 2006(HOL): Waxaa maalintii afaraad magaalada Baydhabo ku xayiran oo aan siduu doono ugu soc-socon karin Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) oo maleeshiyooyin ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ay isku hareereeyeen guriga uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay.
Jananka ayaa loo heystaa dil 7 maleeshiyo ah oo Digil iyo Mirifle u dhashay loogu geystay garoonka Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay mas’uuliyiinta RRA-da ku doodayaan in ay dowladda meesha ku ogeyd, isla markaana ay hayeen howl la ogyahay, halka Taliyaha iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalkana ay ku doodayaan in maleeshiyooyinka garoonka lagu dilay ay ahaayeen kuwo Garoonka ku hayay falal aan wanaagsaneyn oo laga xusay in ay dadka dhoofaya ka qaadi jireen lacag baad ah.
Jananka oo Axaddii dhaweyd ka soo laabtay Magaalada
Xiisadda arrintaas oo ku sigatay in ay gacan ka hadal isu bedesho ayaa waxaa soo dhexgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, kuwaasi oo ka codsaday Aadan Saransoor iyo maleeshiyooyinkiisa in uu 24 saacadood u qabto ka bixitaanka Jananka ee Magaalada Baydhabo.
Jen. Cali Madoobe oo ay u dhamaatay 24-kii Saacadood ee loo qabtay waxaa uu ku adkeysanayaa in uusan Baydhabo ka tegeynin, haddii uu ka tegayana uu xilka Taliyenimada Ciidamada Booliska iska wareejin doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia