Axad, Sunday, October 15, 2006(HOL): Ilaa 20 Suxufi oo ka kala tagtay deegaano kala duwan oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya iyo deegaanka Puntland ayaa la soo weriyay in ay maamulka
Suxufiyiintan ayaa halkaasi uga qeybgeli lahaa tababar ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo WHO, iyadoo la xaqiijiyay in xalay Suxufiyiintaas uu gabalka ugu dhacay Hool ku yaala garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay socdeen dadaal lagu doonayay sidii Suxufiyiintaas looga saari lahaa gudaha garoonka, isla markaana loogu ogolaan lahaa in tababarka loogu talagalay loogu qabto Magaalada Hargeysa.
Sababta loo xanibay wariyayaasha oo ka tegay deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aysan wadanin wax dal ku gal ah, waxaana halkaasi geysay diyaarado u kireysnaa Qaramada Midoobay u kireysnaa bacdamaa ay ka qeybgalayeen Seminaar ay soo qaban qaabiyeen Haya’daha WHO iyo UNICEF.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia