Hay’adda Saacid oo howlo Nadaafadeed ka fulineysa Magaalada Muqdisho
Muddadii dagaalada sokeeye dalka ka dhacayey waxaa guud ahaan is badalay hab-dhaqankii dadka magaalada muqdisho deganaa. Magaalada Muqdishu qiyaastii waxaa degannaa dagaaladdii ka hor Hal Milyan ilaa Hal Milyan iyo bar. kuwaasoo u qaxay wadamada Reer Galbeedka, Carabta iyo Afrikada. Dadkaas waxaa badalay dad ka imaanayo Gobolada iyo Degmooyinka dalka, si ay u caawinaan qeybaha dagaalamayey, Kadib dalka waxaa gaaray bur bur baaxad weyn leh oo isugu jira naf iyo hanti fara badan. Waxaa bur buray kaabayaashii Dhaqaalaha iyo Adeegyadii Bulshada sida Cusbitaalladii, Bankiyadii, Xafiisyada Dawladda iyo Iskuuladii ardayda wax ku baran jirtay.
Muddadaas 16 sano aheyd waxay magaalada Muqdishu ku sugnayd nadaafad xumo soo wajahday dadweynaha deggan magaalada, haba ugu sii darnaadeen Haweenka iyo Carruurta iyo dadka taagta daran. Waxaa magaalada ka dilaacay cudurro faro badan sida: Daacuunka, Daafka, Shubanka, Kor cun cun iyo Calool Xannuun, kuwaasi oo ay sababeen nadaafad xumida ka jirta magaalada oo dadka badankii qashinka ku qubaan goobaha u dhow guryahooda ama xaafado kale oo ay dad deggan yihiin, kadibna cudurkii halkaas ka dilaaco.
Dhibaatooyinka laga dhaxlay nadaafad xumida magaalada intaas kuma koobna, waxaa ka mid ah: in dadka magaalada degan ay ku aasaan wadada hareeraheeda iyo dhismooyinka bur buray ee dawladda dhexdeeda, waxaana halkaas ka dhasha cuduro faro badan marka xilliga roobka yimaado. Waxaa kale oo mararka qaarkood dhacda in ay baab’een bulaacadihii wasaqda qaadi jiray ee magaalada dhexdeeda ku yiilay, halkaas oo noqotay biyo fadhiisad halkaasna ay ka dilaacaan cudurro faro badan oo soo noq noqda sida: Malaariyada, Tifowga, TB-da iwm.
Dhibbaatooyinkaas 16 sano jirsaday kadib waxaa xiriir la soo sameeyey Hay’adda SAACID maamullada deegaanka degmooyinka gobolka Benaadir, si ay ugala qabtaan dhibaatooyinka nadaafad xumida magaalada ka jrto. Hay’addu waxay bilowday inay wax ka qabato iyadoo kaashaneysa Ururka Caalamiga ah ee ILO (Ururka Shaqaalaha Adduunka). Mashruucaan nadaafadda oo bilowday sanadkii 2003 isagoo tijaabo ah, lana arkay faa’iidadiisa ayaa mar labaad waxaa lagu guuleystay in laga fuliyo 16 degmo iyo deegaanka Bermuda oo ah deegaan ka go’naa muddo 16 sano ah degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka jirtay nadaafad darro baahsan mudadaas. Waxaa la hawl geliyey shaqaale gaaraya 1700 qof oo laga kala soo xulay 16ka Degmo iyo Deegaanka Bermuda.
Howsha bilicsamida magaalada oo hadda mareyso meel aad u wanaagsan waxay degmo kasta qorsheysatay in ay nadiifiso meelo badan oo qashin faro badan yaallo kadib marki ay sahan ku sameeyeen Hay’adda SAACID, Kei Engineers iyo Maamulada degmooyinka, iyagoo wada jira mashruuca inta uusan bilaaban. Muddo laba bilood ah ayuu soo maray hawlaha nadaafadda magaalada, iyadoo laga dareemi karo goobaha ay soo nadiifiyeen qurux iyo wanaag ay dadka magaalada deggan ay aad ugu riyaaqeen.
Qoysas badan oo hore u liitay ayaa shaqo maalmeed ka helay. mid kamid ah shaqaalaha ka shaqeynayo hawlaha nadaafadda ayaa waxaa laga soo xigtay inuu yiri waxaan ku sigtay inaan xaaskeyga kala tagno dhaqaale yaro awgood barnaamijkaan ka hor, laakiin hadda waan isla joognaa ilaahbaa mahad leh.
Waxaa kale oo soo if baxay in ay lamaane badan oo isla shaqeynayo ay diyaar u yihiin inay is guursadaan ayagoo ka faa’iideysanayo fursaddan. Dadka magaalada deggan waxay bilaabeen inay is booqdaan iyagoo isugu hambalyeynayo qashinka iyo wasakhda badnaa ee laga horqaaday maadaama ay hore dhibaatooyin badan jireen booqashada dadkana ay yareyd, iyagoo ka cabsan jiray inuu qashinka dhexdiisa uga soo baxo masas iyo baahalo habeenki ku dhuunta halkaasna uu ku cuno. Guryo badan ayaa jiray uu qashinka qariyay oo ku yiillay wadada hareeraheeda laakiin hadda soo baxay dadki lahaana ay haweesteen inay ku noolaadaan.
Faa’iidooyinka laga helay hawlaha nadaafadda waxaa ka mid ah dhismooyin waaweyn oo waxyeelo soo gaartay, lagana dhigtay qashin qub ayaa la nadiifiyey, waxayna horseeday in dadkii lahaa ay dib u dayactirteen ayna soo degeen. Waxaa kaloo jirta in goobo suuq ahaan jiray laga nadiifiyey qashinka dhexyaalay, waxayna keentay in dad cusub ay halkaasi ka bilaabeen hawlo ganacsi ah, ayna nolol maalmeedkooda ka raadsadaan. Barnaamijka nadaafadda waxaa kaloo laga faa’iideystay in la qaaday qashinkii laga buuxiyey iskuulo, waxayna dhiirgelisay in iskuuladaasi dib loo hawlgeliyo iyadoo laga bilaabay waxbarasho caadi ah.
Halku dhiga ah Nadaafaddu waa Nnolol waxaa caddeynaya in aan nolol jiri karin haddii aan la dhowrin nadaafadda deegaanka, wadamo horay u maray waa la ganaaxaa haddii qof uu ku talax tago wayeelleynta deegaanka sida isagoo ku shuba qashin meel aan loogu talo gelin ama ku tuura waddoyinka waaweyn ee la maro. Nadaafaddu waa nolol haddii dadka badankii ay fahmaan faaiidada ku jirta.
Naddaafaddu waxay mareysaa heer lagu faani karo muddadii la soo maray, Hay’addu waxay u habeysay degmooyinka qaab wada shaqeyneyd oo ah min laba degmo hal meel inay ka shaqeeyaan si ay u timaado isdhexgal bulsho, wada shaqeyn iyo isbarasho, iska kaashadaana qashinka badan oo aan muddo badan lagu dhameyn karin.
Horumarkaas dhinaca Nadaafadda laga gaaray mudadaas yar ayaa waxaa loo baahan yahay in la dhiirigeliyo, isla markaana la dhowro lagana ilaaliyo ruuxii waxyeello u geysanaya Nadaafadda, dadkana lagu baraarujiyo faaiidada ay Nadaafaddu u leedahay Ummadda dhammaan. Dhamaateen waa in aan u hawlgalnaa sidaan u ilaalin laheyn Nadaafadda guud ee deegaanka aan deggennahay, garabna nagu siisaan sidii aan ugu hawlgeli laheyn ilaalinta Nadaaadda Deegaanka.
Waxaa Diyaariyay:
Hay'adda Saacid
[email protected]