Isniin, September 18, 2006(HOL): Raiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo galabta shir jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Qaraxii maanta ka dhacay Baydhabo uu ahaa mid lagu doonayay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf lagu qaarijiyo.
Raiisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in ay dadka ka dambeeyay qaraxaas oo qaarkood la qabtay, qaarkoodna la dilay ay yihiin kuwo argagixiso ah oo la soo abaabulay, wuxuuna isla xiriiriyay falkii shalay lagu dilay Sooro ka shaqeyneysay Isbitaalka SOS iyo falka maanta Baydhabo ka dhacay.
Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda Soomaaliya Inj. Xuseen Maxamed Caydiid iyo Dr. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo labaduba ka hadlay qaraxyadaas ayaa sheegay in Qaraxa loo dhigay Madaxweynaha uu ahaa mid ay ka dambeeyeen qolyo argagixiso ah, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u waramayay Taleefashinka Al-Jazeera uu sheegay in raggii ka dambeeyay falkaas ay soo qabteen ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadihsu, Somalia