More Articles
Isniin, September 29, 2025 (HOL) - UK ayaa ku dhawaaqday in ay bixineyso in ka badan $30 milyan oo taageero dhaqaale ah si loogu fududeeyo isbeddelka amniga Soomaaliya. Lacagtan waxaa ka mid ah $8 milyan (£6 milyan) oo la siinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo $22 milyan (£16.5 milyan) oo loo qoondeeyay Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Warkii oo dhan
Axad, September 28, 2025 (HOL) - Dekedaha magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera ayaa loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsanaa Bariga Afrika sanadkii tagay ee 2024-kii, sida lagu shaaciyay daraasad ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyi Hay’adda Xog uruurinta Suuqa Caalamiga ah.
Sabti, September 27, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo intii uu socday kulanka Qaramada Midoobay wax laga weydiiyay arrimaha Somaliland, ayaa sheegay in dadka Somaliland ay dhiig, diin iyo dhaqanba la wadaagaan shacabka Soomaaliya, sidaas darteedna ay ka shaqaynayaan sidii loogu qancin lahaa midnimada.
Jimco, September 26, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow shaaciyay in Nabadoonada jufadiisa ah la xiray, islamarkaana uu isaga ka badbaaday isku day dil.
Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul uga hadlay weerarkii hubeysnaa ee shalay ka dhacay saldhigga Booliska ee degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay isku day afgembi oo dhicisoobay.
Arbaco, September 24, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw Warsaxafadeed ay soo saartay uga hadashay iska hor imaadkii maanta ku dhexmaray gudaha magaalada Muqdisho ciidanka dowladda iyo kuwa ilaalada mucaaradka ee ka dhacay afaafka hore ee saldhiga degmada Warta Nabadda.