More Articles
Jimco, Ogoosto 22, 2014 (HOL) โ Raโiisul wasaaraha Soomaaliya, C/wel Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku jireen, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, qunsulka ahna ku simaha danjiraha Somalia ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, xildhibaanno, guddmoomiyaha arrimaha qoxootiga Kenya, safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, madax ka socotay hayโada UNHCR iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka ayaa booqasho ku tagay maanta xeryaha qaxootiga Dhadhaab.
Warkii oo dhan
Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) โ Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada AMISOM ay ku xiran tahay hadba sida ay dowladda Soomaaliya awood uGu yeelato inay hanato ammaanka dalkeeda oo dhan.
Arbaco, Ogoosto 20, 2014 (HOL) โ Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa xukuno dil iyo xabsi daaโin ah ku ridday maanta 13 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo horay xukunno ay ugu ridday maxkamadda kuna xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar, iyadoo lagu eedeeyay inay xabsiga ku dhex-dileen maxbuus kale.
Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) โ Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya oo 17-kii bishan ka dhageystay xukuumadda Soomaaliya warbixin ku saabsan howl-gallada xakameynta hubka iyo siyaasadda ay u dejisay, uuna goobjoog ka ahaa raโiisul wasaaraha Somalia, ayuu guddigu warbixin kasoo saaray maanta qorshaha xakameynta hubka sharci-darrada ah.
Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) โ Mudaaharaad balaadhan oo horjeedo odayaal xalay lagu xiray magaalada Burco ayaa maanta ka dhacay magaaladaas oo xarun u ah gobolka Togdheer.
Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) โWakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) โ Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn kaasoo uu ka qayb-galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud.