More Articles
Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) โ Inkastoo ilaa iyo hadda dhab ahaan aan la ogeyn halka rasmiga ah oo uu ka furmi doono shirka dhismahamaamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, ayaa haddana dhanka kale waxaa jira diyaar-garow la xiriira marti-galinta shirka oo kamuuqanaya magaalada Beledweyne.
Warkii oo dhan
Jimco, Ogoosto 28, 2015 (HOL) โ Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Goor-dhow kaga Dhawaaqay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir-u-dowle, iyadoo Golaha Wasiirradan ay ku jiraan Xubno ka socda Ururka Ahlusunna Waljameeca.
Khamiis, Ogoosto 27, 2015 (HOL) โ Degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug Waxaa maanta lagu Qabtay xaflad ay hishiis ku kala saxiixdeen mas'uuliyiinta maamulka Galmudug State iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo markii hore siweyn isugu khilaafsanaa dhismaha maamulka Galmudug.
Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) โ Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku Dilay Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne Nabaddoon, Cumar Sheekh Cabdi Raโiis oo ka mid ahaa Nabaddoonnada Gobolka Hiiraan.
Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) โ Dowladda Jabuuti ayaa beenisay Hadal uu Dhawaan Warbaahinta Siiyay Taliyaha AMISOM ee Gobollada Dhexe ee Somalia, Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil oo ahaa in Ciidamada Itoobiya ee ka Howlgala Gobolka Hiiraan Qaarkood aysan ka mid ahayd Howlgalka AMISOM, Balse ay dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya.