
Tuesday February 16, 2016
Suuqa Degmada Wadajir oo xalay dab uu ka kacay ayaa waxaa ku baaba’ay hanti aan la ogeyn qiimaha ay ku fadhiday.

Masuul ka tirsan maamulka dagmadaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qeyb ka mid ah suuqa oo lagu gado qalabka dhismaha guryaha ay gubatay. Wuxuu intaa ku daray in dabku uu ka dhashay cillad koronto. Dabkaa ayaa waxaa la sheegay in ugu dambeyntii lagu guuleystay in la damiyo.
Ma ahan markii ugu horeysay ee suuq ama suuqo kuyaala Muqdisho ay gubtaan ee marar badan ayay gubteen suuqyo kuyaal caasimada Muqdisho.