Go Back


Post your comments

8 comment(s)
Add comments  
    Somali_Sax_Ah @ 8/6/2016 4:44 AM EST
 Maryaneey
Bal si ka yeel weedhan aad soo qortay:Si gaar ah waa in
shakhsi kasta oo Soomaali ah uu ku kalsoonaado inaan beesha
uu ka soo jeedo ama gobolka uu asal ahaan ka yimid
daraadiis loo faquuqi doonin.

Taas oo meel kasta iyo maalin kasta ka taagan meesha aad
sheegeyso ee MUGDISHO!!!!!!!!!!

I will never, ever be back to there!!!!!!!!!
    amina_samajecel @ 7/31/2016 4:08 PM EST
 Muqdisho waa caasimadda Somalia meel uga habboonna ma leh. Qaranki Somaliyeed oo burburay
waxaa burburiyay caddaalad darro laga galay ummadda Somaliyeed gaar ahaan shacabki reer
Muqdisho oo dhulkooda laga qaatay lacagtoodi bankiyada u tiilna laga dhacay oo dhulki xoogga looga
qaatay lagu dhistay.

Dad aan taariikh lahayn ama taariikhdooda been ka sheega waa ummad aan
mustaqbal lahayn. Xildhibaan Maryam waa aqoon yahan waddani ah talo fiican oo caadil
ah ayeey bixisay.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dalka in aay u  cadaalad sameeyaan dadka ka soo jeeda Muqdisho
una dhisaan maamul goboleed. Waan ku raacsanahay in hantida laysu celiyo Somalida oo dhanna aay degi
karaan is nabad ah uga shaqeysan karaan.  Reer   Muqdisho  xaq  ayeey u leeyihiin xildhibaanno labada aqal
ayadoo la tixgelinaayo tirada dadka ku nool Muqdisho.
    rasimaal @ 7/30/2016 10:29 AM EST
 Asc mama maryan, Xamar mar ayeey ahayd magaalo Soomaaliyeed laakin maanta waa magaalo cayn kale ah oo musuq,mooriyaanimo iyo xaq darro guri unoqotay. Su'aasha saxda waxaa ey tahay maxaa xal ah? Caasimadaha addunka waa la bedella mar walibo ee Soomalida diyaar ma utahay in Xamar laga badello caasimada? Aan usoo labto su'aashadi ahayd Xamar xaq ma uleeday? Jawaabtu waa maya waayo dadka maanta Xamar jooga ayaga ayaa diidey in degmo wax lagu qaybsado oo yidhi waxaan rabnaa 4.5 taa jawabteeda waa taas.
    Nuunow @ 7/29/2016 3:30 AM EST
 C Áli C Úmar,

Waxaan ula jeeday - hadii Hargeysa eey noqoto caasimada wadanka iyo isla markaana meesha laga xukumo Soomaaliya oo dhan?

Teeda kale waxaad ogootaa in waqtigaan xaadirka ah eey Muqadisho ku nool yihiin ganacsato iyo shacab kale oo badan oo ka soo jeeda duriyada/reer-Waqooyiga (bussiness from Kismayo to Mogadishu, and all the way to Hargeisa is as usual), marka taasi waxeey cadeyneysaa in Soomaalinimadii weli nooshahay ... miyeysan sidaas aheyn?



    Nuunow @ 7/29/2016 3:12 AM EST
 Sacomaale,

Xildhibaan Maryam weey ka hadashay arintaasu:

" ... Garsoor xaq ah iyo dadka Soomaaliyeed oo hantidooda dib loogu soo celiyo dhib la’aan ..."
    sacomaale @ 7/28/2016 4:24 PM EST
 Maryam Cariif Qasim,

Waxaad ka ilowday maqaalkaaga:
9) Inay tahay caasimad dadku ku jiraan guryo xaaraan ah oo ay masaakiin ka bililiqaysteen, oo haddii aad sheegatana lagu xirayo.

    Nuunow @ 7/28/2016 8:14 AM EST
 C Áli C Úmar,

Ina-Adeer, su'aal aan ku weydiiyo.

Hadaanu isku dayno inaanu saxno qaladaadkii dhacay xiligii dowlada Siyaad Barre, isla markaana aanu Hargeysa ka dhigno magaalo madaxda Soomaaliya, ma laga yaabaa walaalaheen Reer Waqooyiga ineey dib uga noqdaan qorshahaan goonigoosadka ah?

    Nuunow @ 7/28/2016 3:54 AM EST
 Xil. Maryam,

Mahadsanid, maqaalku waa mid qiimo badan oo fiiro dheer xambaarsan!

Sidaad kaga dhawaajisay Muqdisho waa ineey muujisaa xasilooni, kalgacal walaaltinimo iyo Soomaalinimo sidii waagii berisamaadka, waana wax lagama maarmaan ah hadii la doonayo ineey Muqdisho sii ahaato magaalo madaxda Soomaaliya.

Laakiin waxaa ayaduna ka dhawaajin mudan inaan hadafkaas marnaba la gaareyn inteey mooryaanta iyo kuwa Al-Haraam dabadhilifka u ah ay buuxaan magaalada. Marka waa in xoog weyn la saaraa sida cawaantaas qaswadayaasha looga sifeen lahaa magaalada si nabad, xasilooni iyo garsoor xaq ah loo helo.

Laakiin inta ka horeyso waa uun jug-jug meeshaada jooga, oo wax horumar ha yaanan laga sugin. Muqdisho hadii xilkeeda guud eysan gudan karin waa in laga tashadaa oo magaalo madax laga dhigaa gobolada kale ee Soomaaliyeed ee awooda u leh (ama u yeelan kara) ineey noqdaan magaalo madaxda Soomaaliya.




Can't login ?
Account not activated ?? if so please email your account(username,email) info to [email protected]
Subject = Activate Account
Log In
Register
Forgot Password


Username:

  
Click Preview, to preview before submit.