Go Back


Post your comments

13 comment(s)
Add comments  
    Yousef2 @ 2/17/2007 11:14 AM EST
 Walaalayaal dhammantiin (oo Cibaar ku jiro) raalli iga ahaada haddaad dhibsateen fikraddayda; haddaad dood run ah rabtaan waan idin kala doodayaa,laakiin haddii ay 'middi-middi kutaag' yaynaan wakhtigeenna isaga lumin; anigu waxaan u arkaa UIC niman dab yar bakhtiiyey oo mid aad u weyn shidayey; marka marka loo fiiriyo UIC, aniga waxaa ila roon TFG; haddaad taas keliya iigu xukunteen inaan qabiil ku raacsanahay TFG, waad iga gardarantihiin, waayo TFG-da qabiilkeedu waa 'Soomaali', oo qabiil kasta ayaa ku jira.
    hanixin1 @ 2/17/2007 6:22 AM EST
 Adeer Cibaar, haddaad runtii Inj. tahay waxaan si walaalnimo ah kuugula talinlahaa inaad waddanka waxa aad taqaannid wax ugu qabatid; waxaa muuqata inaadan gabay aqoon u lahayn; waad is cdeebaysay. Dawladaha aan walaalaha nahay ee Afrika (oo ay ugu horreeyaan Ethiopia iyo Kenya) annagaa xaalka siinay ereyada aflagaaddada ah ee ninkani u soo tiriyey askartooda. Ugu dambayntii, adeer Cibaar iska aamus, ha booyin; haddaad barwaaqo iyo booli ku haysatay ama Warlords-kii ama kuwii ka dambeeyey ee Maxaakiimta isku magacaabay, waxaad ogaataa Soomaali inteeda badan dhib ayey ku hayeen labaduba; halna ogow, dawlad aan cadaalad ahayn anigu qof ahaan weligey mana taageerin haddana waxaan Ilaahay ka baryayaa inuusan igu kallifin inaan qabiil dawlad ku taageero oo dhibaato u geysto dadka Soomaaliyeed intiisa kale. Ugu dambayntii, iska daa doqonyahow 'Ilmada Yaxaaska' oo dadkaaga dhinac ka raac.
Nin maanta taageersan wadanka uu cadowgu qabsaday inuu hadlo uma banaana ee iska xishoo oo aamus. Kuwa taageera qabqablayaasha iyo Itoobiya waxaa lagu bartay in ay lumiyeen diintii iyo Soomaalinimadii, qabiil iyo qurun ayaa indha tiray. Soomaalidu wey ka gudidoonta taariikhdan madow, waxaana lakala saari doonaa kuwa cadowga dalka kusoo hogaamiyey in kuwa ka dhiidhiyey sida Inj. Cibaar.
    samaddoonsomali @ 2/16/2007 10:06 AM EST
 Eng. Cibaar taariikhda ayaa xusi doonta, ciddii doontaa ha hadashee.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in 10kii farriimood ama faallo ee tan ka horreeyey ay mid qudha ma'ahee inta kale ahaayeen kuwa taageeraya jawaabta Eng. Cibaar rabbi ha guuleeyee.
Muhiimadda farriintan gaaban: Run sheeg markhaati uma baahnide! Soomaliya Soomaali baa iska leh:)
    hawood @ 2/15/2007 7:46 PM EST
 Yusuf2 I feel sorry for you for you're
blinded by tribalism. However, mark my
word as the prophet Mohamed, salalaahu alayhi
wasalam, said that "Nin Aqoontiisu dib u dhigtay
Qabiilkiisu ma horumariyaan" Go ponder on these
words from the Most trusted person ever.  
    adamjama @ 2/15/2007 6:53 PM EST
 MARKII LA TOLAY BAY OLOSHAY:
Reer baadiyaha dhulkeena ee geeleyda ah ayaa markii hasha ilmaheeda dhinto oo ay biyo iyo baadba diido,ilmaha ka ag tagi weydo,caano laga maali waayo,ayey waxay tolaan maqaarka ilmaha intay caws iyo qashin kale ka buuxiyaan.
Marka la soo ag istaajiyo(sawirka ilmaheeda)ayeey woxoogaa intay qabowdo godlataa oo caano laga lisaa.
When the Somali nation whose nickname is "Maandeeq"suffered so many years under brutal war lords & criminals they were expecting a genuine relief & stability,instead,they got "Maqaar saar"package full of garbage,criminals,war lords,and our arch enemy Ethiopia.
If you look at it closely,the package looks Somali on the surface but is lethal & deadly inside.
So,my sincere question to you brothers & sisters is should we accept the "Maqaar saar" ploy as it is and hope in two years "Maandeeq" will mate again,carry full term,and deliver twins of hope & prosperity.
Or should we fight against the Ethiopians & their stooges to the last man,because there is no hope in the package you see infront of you.
Do some brainstorming and see where you mind & heart leads you in your quest for answers.
Adam Jama



    iila.tali @ 2/15/2007 2:24 PM EST
 Cibaar alaa yacisag, dowlad ku sheega ku mel gaarka ah
maanta magacii Somali way la degeen, oo xabashi iyo
african maskiin ah ayey hoos geeyeen.

Please translate your poem into english and send
to South African president.

Waxaan ku xasuusin inaadan hilmaamin
qaxooitiga somalida ee South Africa lagu dilo
maalin waliba inaad u sheegto Thabo.

Thanks,
    hanixin1 @ 2/15/2007 1:26 PM EST
 Gabaygan iyo kuwa kale oo uu Cibaar tiriyey waxa ay gali doonaan taariikhda. Mahadsanid markale Cibaar oo Alle hakaa abaal mariyo wanaaga aad wadid. Kuwa taageersan qabqablayaasha dagaalka waa caadadood oo waxaa dhiba wanaaga ee iska ilow.
    Galgalato2 @ 2/15/2007 1:25 PM EST
 Mudane Cibaar aad ayaad u mahadsantahay gabayga wanaaga badan oo aad soo bandhigtay, waa sidii lagaaga bartay oo aad markasta danta guud ugu doodi jirtay. Waxaan kaa codsanayaa kuwa xumaanta keliya taageera oo ilaahey ka insha tiray wanaaga. Waxaa layaab leh qof kasoo horjeeda wanaagii maxaakiimta oo ay kamid ahaayeen: joojinta dhibaatooyinka qabqablayaashu ku hayeen umadda, walaalaynta dadka Soomaaliyeed, cadaalad iyo sinaan. Kuwaas oo taageersan qabsashada dalka ee Ethiopia, waa kuwo fashilmay iyaga iyo qabqablayaasha ay taageerayaan. Cibaar waxaa aad ku biirtay gabayaagii wadaniyiinta ahaa ee Soomaaliya soo maray oo taariikhdu xusi doonta.
    hanixin1 @ 2/15/2007 1:19 PM EST
 Yousef2, Awal ayaa la yiri afkii qoyan hadal madaayo. Haddii aad gabay waxka taqaan waxaa la rabay in aad sheegtid waxa aad gabayga ka qabtid. Laakiin sida kuwa ay qabyaaladdu indha tirtay oo qabqablayaasha dgaalka oo Cabdulahi yusuf hogaamiyo taageera.Qabqablayaasha iyo dagaal oogayaashu waxa ay wadanka gacanta u galiyeen cadow ay adkaan doonto in laga saaro. Cibaar waa wadani aan aqoontiisa gabay laga daba hadli karin, waxa uuna taas ku darsaday cilmi kale oo ah injineernimo. Cibaar wadnkiisa waxbuu u qabanayaa markii cadowga laga xoreeyo. Aniga haddii aan adiga ahay waa iska xishoon lahaa. Cibaar aad ayaad ugu mahadsantahay gabayga sharafta leh iyo wadaniyadda aad markasta muujisid.
    Ayrow @ 2/15/2007 11:45 AM EST
 Maasha Allah. Ing. Cibaar Ilaah mahadii kadib aad baad ugu mahad santahay
sida wanaagsan ee aad ugu cabirtay hadaladaada xaalada dhabta ah
ee kajirta wadankeena. marlabaad aad baad ugu mahad santahay gabaygan wanaagsan
    Yousef2 @ 2/15/2007 7:19 AM EST
 Adeer Cibaar, haddaad runtii Inj. tahay waxaan si walaalnimo ah kuugula talinlahaa inaad waddanka waxa aad taqaannid wax ugu qabatid; waxaa muuqata inaadan gabay aqoon u lahayn; waad is cdeebaysay. Dawladaha aan walaalaha nahay ee Afrika (oo ay ugu horreeyaan Ethiopia iyo Kenya) annagaa xaalka siinay ereyada aflagaaddada ah ee ninkani u soo tiriyey askartooda. Ugu dambayntii, adeer Cibaar iska aamus, ha booyin; haddaad barwaaqo iyo booli ku haysatay ama Warlords-kii ama kuwii ka dambeeyey ee Maxaakiimta isku magacaabay, waxaad ogaataa Soomaali inteeda badan dhib ayey ku hayeen labaduba; halna ogow, dawlad aan cadaalad ahayn anigu qof ahaan weligey mana taageerin haddana waxaan Ilaahay ka baryayaa inuusan igu kallifin inaan qabiil dawlad ku taageero oo dhibaato u geysto dadka Soomaaliyeed intiisa kale. Ugu dambayntii, iska daa doqonyahow 'Ilmada Yaxaaska' oo dadkaaga dhinac ka raac.
    sonamo @ 2/15/2007 2:18 AM EST
 Soomaalaay Hadal badan dan baa dhaanta .
in tay goori goor tahay aanu iska qabano nimankan
khaa inul wadanka ah , ee leh abasiiniya oo aanu abed
ka abed col ahayn oo weliba soomaali galbeed gumaysi xun
iyo gaajo ku silcinaysa aanu ku biiro... ileen "WALAALO"
ayaanu nahaye! oo xuduuda bi-ino! oo oon hal baasaboor
wadaagno!Hadaanu xuduuda iska burburino ma teknooleji iyo
Hanti baa inooga soo gudbi mise juud wamaa juudkii la
sheegi jiray oo 76 milyan kor udhaafay oo gaajeesan oo
weliba AIDS iyo QAAXA wata?
Soomaalaay Kiina Quurinayoow "BIDAARI" tinish tinish kugu
soo gashaaye saa ula soco !

    anwar sabiidi @ 2/15/2007 1:57 AM EST
 majiraa qof soomalinimo sheegto oo intan in ka badan dhihi lahaa maanta?

Aaminnimo qof lagu tirinayoo anshax u sii raaco
Indheergarad inaad yahay la hubo aadanuhu sheegye
Ixtiraam annaga oo ku lari iyo asluub gaara
Ugaasow ergaan kaa rabnaa inaad ajiibtaaye
Intii berrito nala eersan laa waa afeef horaye
Mid adeerkaa odaygii ahaa maqal Abwaanow dheh
Mid Afrika amaah lama baryee aayahaa garo dheh
Mid kalana Iskaashiga dulmiga aayarsada hoy dheh.
Aarkii Mandeelliyo haddaad aqalladii gaarto
Ileyskii mugdiga nuuriyow ummaddii Soomaali
Ayaamahan musiibaa heshoy la ibtiloobeen dheh
Orobbiyo waxaa isugu tagay reer Ameerika dheh
Austareeliyana kama maqneyn uubateyntaas dheh
Aasiya afkey xiratayoo weyska eegtaa dheh
Carabihii ikhwaanow lahaa wey inkirayaan dheh
Ummadihii midoobana intaa way ajarayaan dheh
Axmaqiyo waxaa loo boqraa kaan waxba ogeyn dheh
Midka aynigaadaana waa laga idleeyaa dheh
Iyagoon itaal badan lahayn iskuxirkii beesha (Afrika)
Agaasimiddii xaqudirirka iyo hobey Afrikaadii
Waxa looga aargudanna waa ololahoodii dheh!
Inj. cibaar, war ninyahow Ilaahay ha ku amaansado afkaagane caano lagu qabay insha'allah somaali maalin ey noqotabo maalin unbey cadowgeeda ka adkaani huduu illaah maya dhihin mana orandoona insha'allaah.
ALLAH WILLS IT.
anwar abdow.

Can't login ?
Account not activated ?? if so please email your account(username,email) info to [email protected]
Subject = Activate Account
Log In
Register
Forgot Password


Username:

  
Click Preview, to preview before submit.