INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum FAARAX DAAHIR AFEEY

Rabbi ha u narasiistee Marxuum Faarax Daahir Afeey waxa uu 12/12/1943 ku dhashay Magaalada Baardheere.
- Waxbarashada Dugsiga Hoose/Dhexe waxa uu ku qaatay magaalada Gaalkacyo.
- Waxbarashada Dugsiga Sare waxa uu ka baxay “Allaahi” Xamar.
- Tacliinta heer Jamacadeed injiyeeriya: Qaahira
Hawl-qabadkiisi Qaran:
- 1981: Maamulaha Machadka farsamada Gacanta Xamar
- 1982: U Qaybsanaha Arrimaha Waxbarashada iyo Dhaqanka dalka Talyaaniga.
- 1986: Safiirka dalka Zambiya
- 1989: Safiirka dalka Jabaan
- 1990: Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska JDS.
Xogwaran kooban
Intii taqaanay ama la soo dhaqantay waxa ay Faarax Daahir u qireen inuu ahaa nin ku sifoobay wadaninimo xagjir ah oo ka mug-weyn inta qof caadi ah laga filan karo. Taas ayaa sababtay in xilligii burburka 1991 iyo 1992, uu sameeyay safaro is dabajoog ah, gaar ahaan, dalalka Kenya, Ugaandha, Talyaaniga asagoo ku hawlanaa baafinta iyo baadigoobka: “Isfaham, Nabad iyo xal waara oo soo afjara dilka, colaadda, buburkla iyo barakaca si guud u saameeyay dad iyo degaan intaba”.
FaaraxaDaahir Afeey waxa aroornimadii shalay 23/03/2018 ku geeriyooday Isbilaaka “King’s College Hospital London (UK)”.

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada