Doorasahada dowladaha hoose ee Finland ayaa la qabtaa afartii sanoba mar,
waxaaana ku loolamayay sannadkan in ka badan 6000 oo musharax oo iska soo
sharxay xisbiyada dalkan ka jira, doorasahadan ayaa waxaa loo ogol yahay
inay isa soo sharxaan ama ay codkooda dhiibtaan dadka ajnabiga ah ee haysta
sharciga degenaashaha iyo kuwa haysto dhalashada Finland.
Hadaba Soomaalida degan Finland ayaa markii ugu horeysay tijaabisay ka qayb
galka loolakan siyaasadeed 1996, markaas oo laba musharax isa soo sharxeen,
iyadoo ay labaddii musharaxba soo wada baxeen, waxayna doorashadii 2000
Soomaalida degan Finland ee soo gasha goloyaasha looga taliyo magaalooyinka
ama dowladaha hoose ay noqdeen 3 xildhibaan.
Sannadkan ayaa ka duwanaa sanadihii hore, iyadoo sababtu tahay musharaxiinta
ajaanibta ah, ama kuwa Soomaalida ah oo ka badnaa sanadihii hore, taasi oo
kentay in loolanka uu adkaado, balse waxaa dad badan ka yaabiyay in sanadkan
ay soo baxeen seddex gabdhood oo Soomli ah, weliba hal xisbi kawa socday ,
waloow ay iska soo sharxeen seddex magaalo oo kala duwan.
Sahro cadulle

Sahro A. |
Sahro Cabdulle oo ka sharxaneed magaalada helsinki ee caasimada Finland ayaa markii seddexaad soo gashay golaha looga taliyo Helsinki, weliban cod aad u
fara baddan.
Sahra sannadkan waxay heshay 1305 cod, waxayna noqotay dadka ugu horeeyo
xisbigeeda Vihreä (Green Party), waxay ka cod badisay musharxiin faro badan
oo Finnish ah.
Sahro Cabdulle ma aha markii ugu horeysay oo ay codad badan hesho, waxaana
xusid mudan doorashadii baarlamaanka Finland ee dhacday sanadkii hore 2003, Sahro waxay ku sigatay inay soo gasho baarlamaanka Finland, waxayna ku waysay codod yar, shakina kuma jirin inay doorashadan ku soo baxaysay.
Sahro waa Umuliso, waxay leedahay shacab badan, iyadoo ku kasbatay, u dadaalka xuquuqda dadka ajnibiga ah, daryeelka haweenka Soomaaliyeed ee
degan Finaland, iyadoo dhowr jeer laga wareestay Tv yada Finland, wax badana
ka hadashay dhaqanka Soomaaliyeed.
Faahfaahin dheeraad ah kala webka u gaarka sahra: http://www.zahraabdulla.net/
Roodo Xasan

Rooda Xasan |
Rooda Xasan ayaa iyadan ka soo baxday magaalo aad u weyn oo mar ahaan jirtay caasimada Finland waa magaalada Turku, Rooda ayaa markii ugu horeysay soo
gashay doorashada dowladaha hoose ee Finland sannadkii 2000, iyadoo markaas
heshay codod ku filan oo ay kaga mid noqotay goloha looga taliyo magaalada
Turku.
Roodo Xasan ayaa iyada ka sharxaneyd xisbiga Vihreä (Green Party), waxayna
xalay heshay codad ku filan, taasi oo ka dhiagaysa Rooda inay markii labaad
soo gasho golaha looga taliyo Turku.
Xildhibaan Rooda waa tarjubaan, waxayna ku soo baxday cod dhan 411 cod.
Batuulo Isaaq

Batuulo Isaaq |
Batuulo Isaaq ayaa dhowr hore qayb gasahay doorashooyinka ka dhaca Finland, laakin markan ayaa nasiibkeeda noqday inay soo gasho goloha loo arrimiyo
magaalada Vantaa oo 15 km u jirta caasimada Finland.
Batuulo Isaaq waxay sannadkii 2000 ku guuleysatay abaalmarinta shaqsiga qaxootiga sannadka, taasi oo ay ku mutaysatay dadaalka dheer oo ay u gashay
u gargaarida dadka ajnibiga gaar ahaan Soomaalida iyo Ruushka maadama ay wax ku soo baratay Ruushka
Batuulo Isaaq waxay ka tirsan tahay xisbiga Vihreä (Green Party), waxayna ku soo baxaday codad gaaraya 256 cod, waxayna afarta sano ee soo socota ha mid
ahaan doontaa golaha looga taliyo magaalda Vantaa haddii RABBI idmo.
Batuulo waa Umuliso, iyo kalkaaliyo caafimaad, waxayna wax walba ka
horumarisaa u gargaarida dadka dhibaataysan iyadoo casharo la xiriira
caafimaadka u diyaariso haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finaland. Faahfaahin dheeraad, kala xiriir webka ugaarka : http://www.batuloessak.net/suomi/index.html
Xigasho: Jowharonline, Oktoobar 25, 2004
|